Wasiir Weerar Afka Ku Qaaday Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland

0
Wednesday August 18, 2021 - 08:45:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Weerar Afka Ku Qaaday Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland

    "hadii laysku awood sheegto waala garanayaa cida awooda ugu dambaysa leh,".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"hadii laysku awood sheegto waala garanayaa cida awooda ugu dambaysa leh,".

Hargeysa-(HWN) Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Somaliland Siciid SulubMaxamed ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Xildhibaan Axmed Yaasiin oo ka tirsan Golaha Wakiillada.



Siciid SulubMaxamed oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Mashruuca Calafka Xoolaha Wajaale ee uu naqdiyay Xildhibaan Axmed Yaasiin lagu tayaynayo taranka Xoolaha, waxaana uu uu usoo jeediyay Xildhibaanada Golaha Wakiillada in ay ka taxadiraandambiyada ay galayaan.


"Mashruuca Wajaale ee Tayaynta Calafka Xoolaha waa Mashruuc loogu talo galay oo Siyaasada Wasaarada ka leedahay ahaa in lagu tayeeyo taranka Xoolaha, waxaana uu marayaa marxaladiii ugu dambaysay ee lagu xidhayay Dhulkii daaqa lagu beeri lahaa laababkii lagu talaalayay Xoolaha way noo samanyihiin. waxaana Mashruucaas wax ka sheegay Xildhibaan Axmed Yaasiin oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Golaha Wakiillada eeka soo baxay Gobalka Awdal oo ceebo badan Qaranka ka sheegay iyo Jiritaankeena,aniga Xidhibaan kaasi wuu ii yimid waxaana uu i waydiiyay dhul Magaalo cad leedahay ayaad Wajaale raaciseen waxa aan ku idhi wax aad ka hadlayso garan maayo marka aad xog dhaba ka hesho Mashruucaas aynu isku soo noqono,”. Ayuu yidhi


Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu tilmaamay inXildhibaankaasi u hadlay sida qof suuqa jooga.Waxaana uu yidhi”Waxaana aad moodaysay hadalkiisa sidii qof ciilqaba oo wixii uu suuqa la joogay la soo galay golaha wakiillada ee aan Qaranimo danaynayn oo aan u meel dayayn.kala xadaynta dhulka waxa qaabilsan wasaarad arimaha gudaha Mashruucaasi maaha mid ku xidhan gobol iyo degmo waa mashruuc qaran oo Somaliland dhan u furan,waxaana ka muuqatay xildhibaankaas qabiilnimo waxaana aan leeyahay Xildhibaankaas iyo Xildhibaanada la mid ka ah ee degdegaya toddobaad ayaad joogteen shaqooyinkii qaranka ee laydiin igmaday may dhicin guddi hoosaadyadii maydun samaysan wixii dibada aad la joogteen hala degdegina. gole qaran ayaad tihiin dalka u tudha waana in aad ka taxatirtaan dambiyada sida yar aad ku galaysaan qaranka lagu dumuniyoXildhibaanku dambi ayuu gali karaa macsuun matihiin hadii laysku awood sheegto waala garanayaa cida awooda ugu dambaysa leh,”.

Loading...
Loading...