Laamaha Amniga Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Nin dil geystay & Burcad

0
Wednesday August 18, 2021 - 08:36:45 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laamaha Amniga Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Nin dil geystay & Burcad

    Saraakiisha amniga degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in burcada lasoo qabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha amniga degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in burcada lasoo qabtay




Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Maamulka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd howlgal ballaaran ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmadaas.

 

Inta uu socday howlgalka Ciidanka ayaa waxaa ay gacanta kusoo dhigeen laba burcad ah oo dhac u geysan jiray dadka shacabka ah, xiliyada habeenkii ah, iyagoo ka qaadan jiray Moobeelada gacanta iyo agabyo kale.

 

Saraakiisha amniga degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in burcada lasoo qabtay uu ku jiray Nin dil ka geystay Suuq degmadaas, kuwaasi oo lagu xiray Saldhiga Booliska degmada, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Ciidanka Booliska degmada Kaaraan ayaa horey sidaan oo kale u soo qabtay burcad hubeysan oo dhac baahsan ka geysan jiray gudaha degmada, waxaana Maamulka ay sheegeen in marnaba aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo shacabka.

 

Si kastaba soo qabashada burcadan hubeysan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo maalmo kahor Ciidanka Booliska degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ay toogasho ku dileen laba burcad ah oo dhac ka geysan jiray xaafadda Gubta.

 


Loading...
Loading...