Garyaqaan Soo Jeediyay In Lakala Qeexo Awoodaha Shirgudoonka Wakiilada

0
Tuesday August 17, 2021 - 13:29:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaan Soo Jeediyay In Lakala Qeexo Awoodaha Shirgudoonka Wakiilada

    Garyaqaan Soo Jeediyay In Xeer Hoosaadka Golaha Wakiilada Laga Dhigo Mid Kala Qeexayaha Awoodaha Shirgudoonka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaan Soo Jeediyay In Xeer Hoosaadka Golaha Wakiilada Laga Dhigo Mid Kala Qeexayaha Awoodaha Shirgudoonka

Hargaysa (HWN) Garyaqaan Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa Mudaneyaashii hore ee Golaha wakiillada, ayaa u soo jeediyey Mudaneyaasha cusub ee golaha wakiillada in ay samaystaan xeer-hoosaad si cad u kala qeexaha awoodda Guddoomiyaha Golaha iyo kuxigeennadiisa, waxaanu hoosta ka xariiqay in haddii awood isku mid ah la siiyo guddoomiyaha iyo kuxigeenadiisa aanu golahaas shaqayn karin.



Garyaqaan Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa Xildhibaannadii 2005-tii loo xil saaray samaynta xeer-hoosaadka Golihii wakhtigaas, ayaa tallooyin u jeediyey Mudaneyaasha cusub, waxa uu yidhi" Sidee Xeer hoosaad dheelitiran loo samaystaa.


Maalmihii xeer hoosaadka golihii hore ee 1997kii la samaynayey waxaa gacanta ku hayey rag waaweyn oo maamulka iyo sharcigaba aqoon badan u lahaa badankooduna ka mid ahaa golihii 1993kii, waxay eegayeen yaraynta ku loolanka kursiga, waxay ka dhigeen markii hore in gudoonku kursiga ku waayi karo 42cod, waa laysayga daba tegay oo waxaa markiiba laga dhigay 55cod. Golihii 2005kii waxaan ahaa gudigii loo xilsaaray soo diyaarintii xeerhoosaadka Golaha, waxaan u badnayn mucaarad ah boobay oo si cilmiyeysan u boobay, rasaas baa naga daba dhacaysay, sidaas darteed waxaan ku khasbanyn in aan ka dhigno xilka qaadistooda 55cod. Hadaba midwiba Maxay faa,iido iyo khasaare leedahay:


1. Hadii codka xilka qaadista laga dhigo 55cod, waxaa geed dheer la saaray xil ka qaadistii shirgudoonka oo waxaa yaraanaya isku dayga kursiga. Laakiin waxay keentaa shir gudoon awood badan oo aan waxba laga qaban karin leh, maalinkastana tirsada 27 xildhibaan oo kaliya, talo kasta iyo soo jeedinkastana tiisa ka raaca oo aan golaha dhegeysan, gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha, qaybinta simiraarada dibada iyo gudiyada.waa sidii aanu ahayne, in yar buu u faruur xidhnaadaa kolba.


2. Hadii laga dhigo xilka qaadista 42 cod, waxaa samaysma shirgudoon golaha wada ixtiraama oo ilaashada marwalba aqlabiyadda golaha, lkn waxaan waa badan khatarta ku iman karta. Waxaa dhisma shirgudoon xildhibaanada wada xurmeeya.


Annagu waxaan samaynay shirgudoon aqlabiyad adag ku taagan, haddana waxaan ka ilaalinay awoodo badan oo uu ku saamayn karo xildhibaanada, waxaan dhignay meel nawada anfacday.


Waxaa naga khaldantay oo aan maanta idiinka digayo. Taasoo ah in aad samaysaan shirgudoon isku awood ah oo shirgudoon uun la yidhaahdo wax walbana wada gooya. Waa in guddoomiyaha golaha la siiyaa awood cad oo adag oo uu go,aano ku qaato, ku xigeenadana uu la tashi uun la sameeyo. Hadii taa la waayo goluhu idiin socon maayo. Khilaafaadka shir gudoonkana ka bixi maysaan. Waayo hadda jihooyin kala duwan bay kasoo kala jeedaan.


Markaa waxaan talo ku bixinayaa inaan garbo siman laga dhigin shirgudoonka."

Loading...
Loading...