Xildhibaan Guruuje Oo Umahadceliyay Ciidankii Diiday In Xaflad Hargaysa Looqu Qabto

0
Tuesday August 17, 2021 - 09:27:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Guruuje Oo Umahadceliyay Ciidankii Diiday In Xaflad Hargaysa Looqu Qabto

    Xildhibaan Guruuje Oo Umahadceliyay Ciidankii Diiday In Xaflad Hargaysa Looqu Qabto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Guruuje Oo Umahadceliyay Ciidankii Diiday In Xaflad Hargaysa Looqu Qabto

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo kamid ah golaha wakiilada Cusub ee Somaliland oo xaflad ay uqabteen taageerayaashiisa Magaalada Hargaysa ay is hortaageen ciidamada Booliska Somaliland ayaa silayaable uga Jawaabay diidmada loodiiday in loo sameeyo xaflad.




Xildhibaanka ayaana umahadceliyay ciidankii is hortaagay inay xaflado qabsoonta, qoraal kooban oo uu baahiyay oo kaga hadlay diidmada loo diiday xaflada ayaa qornaa sidan:-


1 – Axmed Maxamed Siilaanyo intii aanu noqon madaxwayne waxaa lagga joojiyay xafladdo badan sidda tii hotel guuleed iyo kaah hotel , waxaanu noqday madaxwayne .

Yaa ka joojiyay , saaxiibadii la shaqeeyay markii uu madaxwayne noqdey .


2- madaxwayne Muuse Biixi , markii ay siilaanyo loolameen waxaa sawiraddiisa suuqa lagaga jarjarey baabuurta , saaxiibadiina waa la cadaadiyay , aakhirkiina wuxuu noqday madaxwayne .

Yaa madaxwayne Muuse waagaa cadaadinayay , asxaab badan oo badhkood imika la shaqeeyaan

.

3- Dr Gaboose waxaa loo diidey burco iyo ceergaabo , wuxuu noqdey wasiiru daakhili .

Yaa u diidey , asxaab badan oo uu markii danbe madax u noqdey .


Sidaa markay tahey , waxaan ku faraxsanahey in aan ku biirey liiska siyaasiyiinta lagga joojiyay xafladaha , waxaana ii cadaatey saadaasha ah in aan mustaqbalka madaxwayne aan noqonayo .


Asxaabta is xulqaantey ee xaflada joojisayna waxaan leeyahey waa mahadsantihiin , waayo waxaa I gaadhsiiseen maqaam ka sareeya kii aan markii horre taagnaa

Loading...
Loading...