Xisbiga KULMIYE Oo Sheegay In Guuldaro Ka Soo Gaadhay Maxamuud Xaashi Doorashadii Shir Gudoonka

0
Tuesday August 17, 2021 - 09:01:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga KULMIYE Oo Sheegay In Guuldaro Ka Soo Gaadhay Maxamuud Xaashi Doorashadii Shir Gudoonka

    Xisbiga KULMIYE Oo Sheegay In Guuldaro Ka Soo Gaadhay Maxamuud Xaashi Doorashadii Shir Gudoonka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga KULMIYE Oo Sheegay In Guuldaro Ka Soo Gaadhay Maxamuud Xaashi Doorashadii Shir Gudoonka

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Xasan Shahar oo kamid ahaa golihii hore ee deegaanka ee degmada Hargaysa ayaa sheegay in Siyaasi Maxamuud Xaashi uu ka ambaday xisbigiisii Kulmiye oo uu magac ku lahaa.




Xildhibaan Xasan shahar ayaa intaasi ku daray, in Maxamuud Xaashi ay guuladaro ka soo gaadhay Doorashadii Shirgudoonka golaha Wakiilada, maadaama uu dhacay musharax uu watay Maxamuud Xaashi, ayuu yidhi


"Maxamuud Xaashi Geel aanuu lahayn ayuu raacay , waxaa uu ka korodhsadayna waa hashaa magaceed , halkii uu wax ka heleyay ama uu wax ka noqonayayna wuu ka anbaday, Waxay ahayd inuu xisbigiisii uu sharafta ku lahaa ee uu karaamada ku lahaa ee darajadaad ogtihin u ka gaadhay ee dal iyo dadba lagu bartay Kulmiye ayay ahayd may ahayn xusbi kale ".Xildhibaan hore Xasan Shahar .


" Nin xildhibaana oo musharrax ahaa shirgudoonka Cumar Jaamac Faarax ayuu ninkaasi xambaarsanaa oo uu dhabarka ku sitay oo uu yidhi Cumar anaa soo saaraya , wuxuu Maxamuud yaala halka uu Cumar yaalo uun (Dhicid) , wixii uu ka shaqeeyayna intaasa igu filan". Ayuu yidhi.


Xildhibaan Xasan Shahar ayaa shacabka Hargaysi ay ku xasuustaan mar uu ku faanay in dhul dan guud ah uu u iibiyay isaga iyo Ex Maayar Soltelco sheikh ka mid ah Culumada Somaliland,sheekhaas oo markii dambe beeniyay in wax dhul ah isaga loo iibiyay.

Dhacdadaasi oo fajac ku riday shacabka Hargaysa oo ilaa hada hadal haya arinkaasi.


Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office

Loading...
Loading...