"Goljano Cagafyo Ayaa Ku Jira, Suuqa Dhexe Iyo Hadhwanaag Hotel-na Lama Waydiin Waxa Soo Gaadhay"..Mulkiile Xasan Bulbul
Hargeysa(HWN):-Mulkiilaha hudheelka Hadhwanaag ee magaalada HargeysaXasan Axmed Xuseen Bulbul ayaa soo bandhigay dhibaato ay hudheelka soo gaadhsiiyeen daadadkii ka dhashay roobkii ka da’ay magaalada Hargeysa.
Xasan Bulbul oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in biyaha dhibaatada soo gaadhsiiyey hudheelkiisu ay ka soo galeen kadinka isla markaana ay ka dhasheen laagag biyo mareeno ah oo hormara hudheelka kuwaas oo uu tilmaamay in wax ka qabashadooda ay marar kala duwan gaadhsiiyeen dawlada hoose ee Hargeysa.
Xasan Bulbul oo ka hadlay dhibaatada ka soo gaadhay daadadka ayaa waxa uu yidhi "Anaga hadhwanaag ahaan daadku albaabka ayuu naga soo galay waxaanu fujistay deyrkii dambe iyo wixii dhan, dhawr sanadood gudahoodna waa markii labaad ee ay arintaasi dhacdo taas oo ay sababtay iliilada yar Hadhwanaag hormaraysa taas oo inta xashiish xidhay ay biyihii mari kari waayeen, bakhaaradii u dhawaana ay baaba’een anagana sariirihii iyo hurdadii biyo ayaa ka buuxa, ilaa imikana ma jirto dawlad hoose iyo dawlad dhexe oo timid oo na waydiisay sida wax noo soo gaadheen sidaasna kamaanu filayn in mudo intaa leeg ay ku qaadato oo aanu la nahay cid noo timaada.”
Xasan Bulbul oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Dhawryo toban sanadood cashuur dawlad hoose iyo mid dhexe toona igumay baaqan, dhulkan dibada ee aanu ka nimidna waa in cashuurtaadu wax kuu iibisaa ismanaan lahayn waxan ayaa dhici, xukuumada dhexe waxaanu leenahay dalka iyo dadka sidan haloo dhaamo, ta hoose-na waxaanu leenahay maba jirtee madaxweyne hadaynu sidan ku sii socono dawladnimo ma sheegan karno marka ay caasimadii sidan tahay.”
Sidoo kale waxa uu sheegay inay dawladu iska dhago tirtay talooyin ay ka gaysteen sidii wax looga qaban lahaa laagta biyo mareenka ah ee hada sababtay khasaaraha taagan "Dadka muwaadiniinta ah ee u dhashay somaliland ee lexejeclada ka leh taladooda marka aan la qaadanayn anaga oo dhawr sanadood ka hor lahayn waar iliiladan halo furo si aanay mar labaad khasaare noo soo gaadhsiin, maantana suuqii dhexe waxba lagama qaban oo Hadhwanaagna sidee ayaad wax u qabtaan lama odhan Goljano-na cagafyo ayaa ku jira oo waa laga shaqaynayaa, waxbaa qaldane aynu saxno wixii khaldan, dalkana waynu wada leenahay lexejeclo ayeynu ka leenahay ee halaysa saxo waana iga talo waayeelnimo ah, waa iga talo lexejeclo, dadkuna dawlada hoose waa la doortay ayey yidhaahdaan laakiin qofka aad dooratay haduu shaqada qaban kari waayo waa inay jirtaa dawlad dhexe oo faragelin ku samaysaa, waxaanan leeyahay nusqaan badan ayaa jirtee dalka iyo dadkaba sidan haloo dhaamo.”