Arday Kaalmaha Hore Ka Gashay Tartanka Quraanka Kariimka Ah Ee Bisha Ramadaan Oo Abaal Marino La Gudoonsiiyey+Sawiro

0
Tuesday May 14, 2019 - 23:56:08 in News by
  • Visits: 2076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arday Kaalmaha Hore Ka Gashay Tartanka Quraanka Kariimka Ah Ee Bisha Ramadaan Oo Abaal Marino La Gudoonsiiyey+Sawiro

    Arday Kaalmaha Hore Ka Gashay Tartanka Quraanka Kariimka Ah Ee Bisha Ramadaan Oo Abaal Marino La Gudoonsiiyey+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arday Kaalmaha Hore Ka Gashay Tartanka Quraanka Kariimka Ah Ee Bisha Ramadaan Oo Abaal Marino La Gudoonsiiyey+Sawiro


Hargeysa(HWN):-Tartanka quraanka kariimka ee bisha Ramadaan ayaa lagu soo gaba gabeeyey masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargeysa.


Culimada waa weyn ee somaliland ayaa ka qayb galay munaasibad lagu soo xidhayey tartanka quraanka kariimka ah oo ay maalgalisay shirkada Dahabshiil.



Image may contain: 2 people
Image may contain: 2 people, indoor
Image may contain: 3 people, beard

Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka hadlay munaasibada lagu xidhayey tartankan ayaa ka waramay taariikhda ay la soo mareen tartankan hada hirgelay ee la qabto ramadaan kastawaxaanu yidhi "Waxaan u mahad celinaynaa shirkada Dahabshiil oo tartankan maalgelinaysa, waana tartanka dhalay ee ay ka soo jeedaan dhamaan tartamada quraanka ee dalka oo dhan lagu qabto waana tartanka ugu faca weyn intii tarmada quraanka aanu soo qabanaynay , mudo labaatan sano ah ayaanay shirkadu maalgelinaysay tartankan.”


Sheekh Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxaana ilaahay mahadii ah in tartankan oo bilaabmay sanadkii 1992-kii ay guddidi bilawday ee shirkada dahabshiil ka codsatay maalgelintiisa wixii ka dambeeyey 1999 ay nool yihiin kuwaas oo ah Sheekh Dirir Iyo Sheekh Ismaaciil Dheeg.”

Image may contain: 4 people, indoor
Image may contain: 8 people, people sitting, crowd and indoor
Image may contain: 6 people, people sitting, crowd and indoor
Image may contain: 1 person, standing and beard

Sidoo kale sheekh Maxamed Aadan ayaa ka waramay ujeedada laga leeyahay tartankan waxaanu yidhi "Ujeedada aanu tartankan ka leenahay mar kasta waxa weeyaan in la dhiiri geliyo ardayda quraanka kariimka ah xifdiday kitaabka ilaahayna kor loo soo qaado, in ardaydu is dhexgalaan oo ardaydaas wanaagsan ee gobolada joogaana ay isdhexgalaan oo ay deegaankana bartaan, in la soo saaro dhalinyaro xifdiday quraanka balse akhlaaq iyo tarbiyad leh taas oo haatan hirgashay, in tacliinta guud ahaan kor loo soo qaado, waxaana tartankan lagu bixiyaa abaal marino kala duwan kuwaas oo ardayda ugu sareeya la geeyo xajka halka ardayda kalana la gudoonsiiyo abaal marino kale oo wanaagsan.”


Sheekh Maxamed Aadan ayaa sidoo kale ka warbixiyey tirada ardayda ka qayb gashay tartankan waxaanu yidhi "Ardayda sanadkan imtixaanka u fadhiistay oo tartanka sodonka jis ka qayb galay 32 arday halka 15 jisna ay ka qayb galaan 35 arday, halka tartankii hablaha oo socdana 31 ayaa ka qayb galaya.”

Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: 1 person, wedding
Image may contain: 1 person, beard
Image may contain: 2 people
Image may contain: 2 people, indoor

Sidoo kale Sheekh Maxamed Aadan Muxumed ayaa shaaciyey shuruudo cusub oo lagu soo kordhiyey tartankan quraanka kariimka ah ee ay maalgeliso shirkada Dahabshiil waxaanu yidhi "Maadaama oo tartankani uu labaatan sanadood soo socday oo aanu eegnay tartamada kala duwan ee lagu qabto gobolada dalka, iyada oo ay badatay ardayda xifdiday quraanka kariim ah, anaga oo tixgelinayna codsiga gobolada oo ah inay sinaato ardayda ka qayb galaysa ee gobolada oo dhan waxaanu go’aansanay.


1.In tartanka quraanka uu sanadkan wixii ka dambeeya uu noqdo sodonka jis oo qudha


2.In tirada gobol walba ka imanaysa ee ka qayb galaysa tartanka ay noqdaan 7 arday


3.Inaan arday ka weyn 18 jir aanu ka qayb gali Karin tartanka.


4.In la kordhiyo abaal marinaha la siinayo ardayda, sidaas ayaana lagu soo tala galayaa wixii ka dambeeya sanadkan.


Maareeyaha xawaalada Shirkada Dahabshiil Cabdi Faarax oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay "Hadaanu nahay shirkada Dahabshiil waxa sharaf noo ah in munaasibadan ay soo qaban qaabisay culimadu ee lagu tartamayey wixii ugu wanaagsanaa oo ah quraanka kariimka ah, guddidana waxaan uga mahad celinaynaa inay tartankan ku beegaan bisha barakaysan ee Ramadaan, faa,iido badana waa laga helayaa oo waxa isku baranaya dhalinyaradeena ku nool gobolada dalka kuwaas oo ka warami doona mid walba wixii uu la kulmay, meelaha ay soo arkaan iyo waxyaabo kale, hadaanu nahay shirkada Dahabshiil Group-na sharaf ayey noo tahay in dhalinyaro laga keenay gobolada dalka ay ku tartamaan quraanka oo ay isku bartaan, shirkaduna waxay diyaar u tahay in ilaa inta ay shirkadu jirto uu socon doono tartankani.”


Wasiirka Diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay tartankan muhiimada ay leedahay in lagu tartamo xifdiga quraaka kariimka ah "Waxaynu caadaysanay inay kitaabka ilaahay karaamayno oo aynu cisayno sharafna u muujino ardayda ku tartamaysa si ay u noqdaan ubad khayr badan oo ku farxa kitaabka alle iyo hadalka ilaahay ee mucjisada ah kaas oo ka fadli badan wax walba”

Image may contain: 1 person, beard
Image may contain: 3 people, people sitting
Image may contain: 3 people, people sitting
Image may contain: 5 people, including Xasan Maal Dhidar, people smiling, people standing

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay culimo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed iyo sheekh Ismaaciil Dheeg kuwaas oo ka waramay muhiimada ay leedahay xifdiga quraanka kariimka ah iyo tarbiyada loo baahan yahay in lagu barbaariyo ardayda xifdiday quraanka kariimka ah .

Image may contain: 3 people, including Xasan Maal Dhidar
Image may contain: 4 people, people smiling, people sitting
Image may contain: 4 people, people standing and beard
Image may contain: 2 people, people smiling
Image may contain: 4 people, including Barkhad-ladiif Mohamed Omar, people standing
Loading...
Loading...