Waddo Hormarta Guriga Xildhibaan Bidhi Ka Deganyahay Burco Oo Isku Badashey Biyo Fadhiisin + Isticmaalkeedii Oo Istaagay SAWIRO.

0
Tuesday May 14, 2019 - 22:40:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddo Hormarta Guriga Xildhibaan Bidhi Ka Deganyahay Burco Oo Isku Badashey Biyo Fadhiisin + Isticmaalkeedii Oo Istaagay SAWIRO.

    Burco(HWN):-Waddo halbawle u ah xaafada Agtoobar gaar ahaan garooonka caanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(HWN):-Waddo halbawle u ah xaafada Agtoobar gaar ahaan garooonka caanka
ah ee kubada cagta lagu ciyaaro ee Tuuro-tuurale,taasi oo hormarta Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Burco xildhibaan Mubaarig Bidhi oo ka mida golaha deegaanka degmada Burco,ayaa waxa istaagay adeegsigii wadadaasi ka dib markii biyo fadhiisin ay isku badashay wadadaasi.



Wadadani oo isku badashay bali ama goob biyo fadhiisin ah ka dib markii Raxmaadkii eebe Maalmihii udanbeeyay uu ka da’ayay guud ahaanba magaalada Burco iyo badiba deeganada hoos yimada gobolka Togdheer, mar aan gaadhnay Wadadaasi, ayaa waxa dadka xafadaasi noo sheegeen in Shaqaale ka tirsan dawlada hoose uu markaasi horkacayo xildhibaan Mubaarig Bidhi ay mariyeen cagcagaf kal hore,taasina ay sababtay in xafado qaar ay gali kari wayeen guryihii ay u hoyanayeen ka dib markii Biyahaasi ay meel ay ka dhafaan ay wayeen.


Biyahan fadhistay wadada ayaa sababay inuu istaago isku socodkii xaafadaas ee gadiid iyo lugba taasi oo dadka ay ka baqeen inay maraaan waxana ay shegeen dadku inay ku dhiban yahiin isla markaana saaka uu yimid xildhibaan Mubaarig Bidhi oo sheegay Inuu Banaynayo wadaadaasi, Lakiinse anay wali Haynin,una soo direen shaqalahii banyayn lahaa wadadaas ama gadiidkii lagu banyayn lahaa wadadaasi.


Dadkan ayaa Sheegay In Hadii biyahan Dawlada hoose waxba ka qabanin laga dhaxli-doono xanuunada khatarta ah ee laga qaado biyaha waxana muuqata in biyuhu ay yeeshan ur oo midabkooduna ku dhaw yahay inuu is badalo waxana walaac wayn ka qabaan dadka degan agagaarka wadadaasi.


Hadaba waxa iswaydiin mudan xildhibaan Mubaarig Bidhi wax maka qaban doona wadadan biyuhu fadhiyaan ee loo anaynayo ee inuu isku sababteeda lahaa oo maka dhabayn donaa in gadiidka dawlada hoose ama shaqalaha uu balan qaaday maanta uu usoo diro si ay wax uga qabtaan wadadaasi.

Hadhwanaagnews

Burco/Office.

Loading...
Loading...