Ilayska Kuwii Shidaw Abaal Baan Idiin Hayaa!
Waa wax lagu farxo oo loo riyaaqo in dhigane taariikheed laga qoro Halgamaa Maxamed Xaashi Diiriye "Lixle". Waayo waa sumadii Halganka Mujaahid Lixle.
Waxa Su'aala Muj;
Lixle waxa uu geeriyooday SNM oo jirta 2sanno 6bilood 17maalmood ee muxuu ku
mutaystay in uu noqdo halgamaagii halgamayaasha?
Jawaabta Su'aashaa in badan baan raadinaayay waxaana ii soo baxday laba arin oo kale ah;
1-Lixle halganka ka hor waxa uu ahaa Nin lab dhiiran oo aan gaban saraakiishana ka dhex tilmaama, sidoo kale waxa uu ahaa isaga oo gudaha jooga in uu abaabulo cidii ku biiraysa SNM taasi oo aanay cidi ku dhiiran karin.
2- Hawlgaladii ay SNM
samaysay kii ugu weynaa ayuu fuliyay Muj: Lixle kaasi oo ah Hadhcad in uu
Jabiyo Jeelka Mandheera, maxaabiis badan oo halkaa ku jirtay uu dareersado.
Waxa kale oo yina sooyaal sugan ah, dagaalkii uu ku shahiiday ee Burco Duuray
kaasi oo ah dagaalkii ugu horeeyay ee SNM gasho.
Lixle waa Khaalid binu waliidkii SNM. Waayo xiligii Dawladii ka caankana waxa uu ahaa Nin tilmaaman, Xilihii SNMna waxa uu ahaa Nin dhiiran oo dabka u shiday halgankii hubaysnaa.
Lixle damacyadiisii
Diric Ina Saleebaan
Duxan baan ku dhaabtay
Ifku Xaamud daariyo
Khaliif doorrankiisiyo
Digan baan ku dhaabta
Alle qabriga hawnuuriyo Abtigay Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye "Lixle".
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!