Qabyaalad Diid. W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal
Eebe weyne markii uu aadmiga abuuray lab iyo dhedig wuxu ka dhigay shucuub kala midab ah oo kala qollo ah si ay isku gartaan sida ku cad suurada 49aad ee quraanka kariimka ah. Qabiilku waa wax u jeedka laga leeyahay uu yahay in tololku ay isku gartaan oo sumad iyo baadisooc uu u kala noqdo.
Qabyaaladu way ka macno duwan tahay qabiilka waana iyada oo qabiilka loo adeegsado hab loo kala sareeyo ama loo kala tiro badan yahay loo kala dal iyo duunyo badan yahay kadibna layskugu faano oo hadii ay dirir timaado loo dhinto qabiilka god aakhirana loo galo, taas oo ah ayaan darrada uu xaaji aadan axmed afqalooc in badan uu gabayadiisa ku falkiyey, soomalina ka waaniyey inay qabiilka sidaa u adeegsadaan.
Xaaji aadan afqalooc waxaan odhan karaa waa suugaanyahanka ugu badan ee goor iyo ayaan sinjigiisa soomali ka waaniyey ku dhaqanka qabyaalada, mararka qaar xaajigu wuxu gaadhsiiyey dhamaan shucuubta qaarada africa ku dhaqan inay qabyaalada ka fogaadaan.
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
Cabdilaahi suldaan timacade ayaa Meeriskaa gabayga ah wuxu si dhab ah ugu soo ban-bixinayaa qabyaaladu in waxay dumiso mooyee aanay lahayn deyr iyo dugsi kale oo dhaxamaha iyo deyro dhaafyada celiya.
Xaajigu sidaa si lamid ah ayuu jeer xusay in duulka soomaliyeed waxa dishooday ay qabyaaladu ugu horeyso, wuxu ina dareensiiyaa sida tolalka soomalidu ay ugu dhib qabaan marka qof wax gaystay oo aanay ogayn ay had iyo jeer wax uga bixinayaan wuxu yidhi:
Waxa na diley dunuub aanad ogeyn aanadeed bixiye
Waxa na diley anaaniyad iyo ab iyo laan sheege.
Xaajigu marna kama aamusin colaadii tolalka soomalida dhex mari jirtey ee qabyaalada cuskanayd, dhimashadii barbaarada soomalida ee haadku ku casheeyey ayuu u taagnaa in la dabo qabto oo aqoon la’aanta isku geysay uu uga waramo. Xaajigu bogax iyo bari intii uu noolaa gabay iyo geeraar kama daalin maalina ee wuu u toog hayey gabal dhacay iyo waaberi sidii uu u hoga tusi lahaa darkaa wada dhashay ee macno darada isku dilaya.
Xili aradka soomali gumeyste haysto oo midnimada ummadu ay ahayd lagama maarmaan ayaa tolal somaliyeed birta iska asleen, madfac gaw yidhaahdaa iyo warmo dhiigleh ayaa geeskasta ku baahay xaajigu wuxu la yaabay sababta ay tolalkani ula diriri waayeen gumaystaha dhulkooda boobay ee sohdimaha u kala yeelay. Markaas xaajigu wuxu tiriyey gabay qabyaalad uu kaga hadlo kii ugu cuslaa ee uu diwaanka suugaanta looxa ugu daabacay.
Xaajigu Wuxu magac dhabayaa qaar kamid ah tolalka somalida ee markaa dirirayey, isxaaq iyo ismaaciil ayuu markaa waano xagooda u la jeestay, wuxu u sheegay in asal ay soomalidu wadaagto oo ay ku abtirsadaan aabahood samaale. Wuxu u sheegay arin iyaga ka dedan oo uu markaa diirka uga qaaday si ay iyaga daawo ugu noqoto oo walaalnimadooda u soo ceshedaan arintaas oo gumaystuhu uga dan lahaa intuu tololka somaliyeed isku diro dabadeedna kheyraadka dul ceegaaga uu sidaa ku gurto.
Mar kale wuxu xasuusinayaa bal inuu ummadan u kitaab dayo oo macnaha aayada 13aad ee suurada 49aad ee quraanka kariimka ah uu fasirkeeda u kala dhig-dhigo bal inay waanada eebe iyo wax u sheegiisu ay u dhaadhacaan. Mar kale xaajigu wuxu aaminsanyahay in deyrka qabyaalada la dumiyo oo dadka gaal iyo islaam loo kala guro, wuxu ku boorinayaa xaajigu wixii islaam ah inay ehel walaal yihiin oo in loo kala abtiriyaa aanay hagaagsanayn wuxu yidhi xaajigu:
Isxaaq iyo ismaaciil waa horey amar lahaayeene
Asalna waa wadaagaan abiyo laandheere
Aakhiro tagoo waxaad tihiin inamadoodiiye
Aradkaad ku loolami jirteen aar kalaa dagaye
Umuurii horiyo la waa oday ku faankiiye
Idinkay isku anafaysane laydin kala oodye
Ninkastoo itaal sheegan jiray gaalka waw inan
Adoomii xorooboo xaq bay ku andacoodeen
Idinkana ninkii eray sheega waa lagu uleeyaa
Ikhyaar ma lihin waxaan nahay adhi la raacaaye
Abtirsiimo ficil wayday baad daba ordaysaane
Wadankiina ooyaayiyo eega taladiina
Ubadkiina korayaa waxay ku aflaxaan fiirsha
Axraarnimada waa loo dhintaaye diida amarkooda
Haduu ugaandhiyo ka yimid aradka nayroobi
Nin xun baa u abtirinaayiyo gaal adoonsade
Ahlan dhaha islaamoo idil waa ehel walaaloode.
W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!