Maxkamada Racfaanka Hargeysa Oo Ayiday Xukun La Yaab Ah Oo Lagu Riday Laba Muwaadin

Wednesday March 06, 2019 - 16:23:30 in News by
  • Visits: 2284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Racfaanka Hargeysa Oo Ayiday Xukun La Yaab Ah Oo Lagu Riday Laba Muwaadin

    Maxkamada Racfaanka Hargeysa Oo Ayiday Xukun La Yaab Ah Oo Lagu Riday Laba Muwaadin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Racfaanka Hargeysa Oo Ayiday Xukun La Yaab Ah Oo Lagu Riday Laba Muwaadin

Hargeysa(HWN):-Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi Jeex ayaa saaka xukun ku riday Macalin Cabdiqaadir Nuur Maxamed iyo Abwaan Baashe Xasan Maxamed oo muddo ku dhaw 10 Bilood ku xidhnaa magaalada Hargeysa.


Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo xogogaal u ahaa dacwada loo haystay labadan muwaadin ayaa sheegay in Maxkamadda Rafcaanku ay labadan nin ku xukuntay midkiiba 8 sano oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 625,000 oo Doollarka Maraykanka ah.

Hore Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex waxa ay labadan nin ugu wayday wax dambi ah taasoo keentay in xukunkooda rafcaan laga qaato oo ugu dambayn xukunkaasi maanta ku dhaco.

Laba xubnood oo kale ayaa la sheegay in ay Kiiska labadan nin loo haystay iyana qayb ka ahaayeen oo mid ka mid ahi baxsaday.

 


Loading...
Loading...