Waa tartankii seddexaad ee lix sano gudahood Zambia ku dhex-mara Lungu iyo Hichilema
Qiimaha cuntada oo cirka isku sii shareeraya iyo dhibaato dhaqaale ayaa laga yaabaa inay isbadal ku sameeyaan codbixinta madaxweynenimada Zambia ee sida adag loogu loolamayo, waxana muuqata in la taageerayo mucaaradka, iyadoo ay muwaadiniintu la tacaalayaan hoos u dhaca ka yimid maamul xumada dhaqaale ee baahsan.
Madaxweyne Edgar Lungu, oo u tartamaya dib-u-doorashada doorashada 12-ka Ogosto, ayaa lagu eedeeyey inuu six un u maalgeliyey mashaariicda kaabayaasha.
Wadankan dhaca koofurta Afrika ee hodanka ku ah naxaas ayaa sanadkii la soo dhaafay noqday waddankii ugu horreeyay ee qaaradda ka tirsan oo ku guuldaraysay inuu bixiyo daymihii lagu lahaa xilligii coronavirus.
Qiimaha lacagta kwacha ayaa hoos u dhacday, sicir-bararkuna wuxuu sare u kacay 20 boqolkiiba intii uu xilka madaxweynenimada hayay Lungu, waxaa iyaduna hoos u dhacday kalsoonidii maalgashadayaasha markii deynta dibaddu leedahay ay kor u kacday ilaa $ 12 bilyan sannadkii hore.
"Maamul-xumada dhacday ayaa saamaynaysa dadka caadiga ah,” ayuu yiri Trevor Simumba oo ah dhaqaale-yaqaanka Zambia.”Danyartu ma haystaan farsamooyin ay ku hagaajiyaan kharashkooda nololeed”.
Iyada oo xiisaduhu sii kordhayaan ka hor doorashooyinka toddobaadka soo socda, Lungu wuxuu amar ku bixiyay in milatariga la hawl-geliyo si loo xakameeyo rabshadaha.
Dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira waddanka dartitii in ka badan kalabadh dadku waxay ku noolyihiin ka hoos khadka saboolnimada.
Natiijooyinka daraasadda Afrobarometer ee la daabacay bishii hore ayaa muujisay in saboolnimada, gaajada iyo sinnaan la’aanta dhaqaale ay ka sii dartay marka loo eego shan sano ka hor.
Sida laga soo xigtay sahan dhammaadkii May, boqolkiiba 80 dadka Zambia waxay u arkeen xaaladaha dhaqaale "xun” in madaxwaynuhu u sababyahay.
Doorashada soo socota ayaa la filayaa inay noqoto tii ugu adkeyd ee u dhexeysa Lungu, oo 64 jir ah, iyo ninka muddada dheer ay tartamayeen, murashaxa ugu weyn mucaaradka Hakainde Hichilema, oo 59 jir ah.
Lungu taageeradii loo hayn jirey ayaa weyn hoos u dhacday sababta oo ah sida uu dhaqaalaha u maamulay ayuu yiri dhaqaale yahan Grieve Chelwa oo ka hadlay caasimadda Lusaka.
Cod-bixiyaha caadiga ah ee Zambia, oo haysta shaqo mushaharkeedu hooseeyo ama si aan rasmi ahayn u shaqeeya, wuxuu ku aargoosan doorashada ayay tiri Chelwa.
Qorshihiisa ololaha, Lungu wuxuu ku faanaa in Zambia "ay soo martay horumar isbeddel oo aan horay loo arag” ayna "ka wanaagsan tahay sidii ay ahayd 47 -kii sano ee maamulladii hore”.
Wuxuu ballanqaaday inuu hubin doono sugnaanta cuntada, qiimaha maciishada ee la awoodi karo, iyo shaqo abuurka iyo koboc dhaqaale
Waddooyinka magaalada caasimadda ah ee aadka u cidhiidhiga ah ayaa si weyn u soo hagaagey markii Lungu uu xafiiska qabtay 2015 -kii.
Buundooyinka ayaa isbeddelay oo dul-maray goobihii isku xiraranta, godadkii ayaa la buuxshey oo waddooyinkii waaweynaa oo la ballaadhiyey.
"Baabuur-wadistu weligeed sidan uma fiicnayn,” ayay qirtay Chelwa, laakiin "ma cuni kartid waddooyinka”.
Biilka celcelis ahaan bishii ee alaabada aasaasiga ah ee qoyska reer magaalka ah oo shan ah ayaa ku kacaya 8,400 kwacha ($ 436) horaantii sanadkan, sida ay sheegtay Xarunta Jesuit.
Shaqo la’aanta waxaa sii xumeeyay coronavirus-ka iyo dib u hagaajinta laba goobood oo waaweyn oo naxaasta laga guro oo dowladdu saamiyo ku leedahay.
"Dad badan oo reer Zambia ah ayaa dareemaya in aanay bixin karayn deynta dowladda sababta kor u kaca qiimaha maciishadda,” ayay tiri Zaynab Maxamed oo ka tirsan shirkadda la-talinta ee Oxford Economics.
"Lungu wuxuu ku galayaa doorashada dhaqaaq daciif ah sababtoo ah maamul xumo dhaqaale ayaa hadhaysay maamulkiisa,” ayay xustay.
Dadka wax dhaliila ayaa dhaleeceeyey kharashaadka dawladda ee aan loo baahnayn, kharashaadka mashaariicda dadweynaha oo sii kordhay waxayna sheegeen in musuqmaasuqa dawladdu yahay mid baahsan.
La xisaabtanka mashaariicda noocan oo kale ah "aad bay u daciif tahay”, ayuu yiri Simumba.
"Waxay dhiseen xarumo caafimaad iyo iskuulo laakiin ma aysan shaqaalayn dhakhaatiir ama macallimiin sababtoo ah ma awoodaan,” ayuu yiri.
Bilihii ugu dambeeyay ee Lungu muddadiisa wuxuu culeyska saaray wada-xaajoodyo adag oo lala galay Sanduuqa Lacagta Adduunka si loo badbaadiyo dhaqaalaha.
Heshiis ayaa la rumeysan yahay inuu la galay IMF, laakiin Lungu wuxuu ka caga-jiiday dib-u-habeyn maaliyadeed wuxuuna ka shaqeeyay halkii uu xakamayn lahaa coronavirus inuu helo taageerada doorashada.
"Dawladdu waxay garowsan tahay sida ay wax u xun yihiin, waxayna ka cabsanaysaa in ganacsatadu aanay raali ka ahayn … waxayna u badan tahay inay taageeraan mucaaradka,” ayuu yiri Nicole Beardsworth oo ka tirsan Jaamacadda Witwatersrand.
Ballan-qaadka doorashada ee Hichilema waa inuu hagaajinayo muuqaalka dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Dhaqaale-yaqaanka & ganacsatada hodanka ah waxay leeyihiin "hab ganacsi-saaxiibtinimo badan” oo aan diiradda saarin waddaniyadda kheyraadka marka loo eego Lungu, ayuu yiri Aleix Montana oo ka tirsan shirkadda cilmi-baarista Verisk Maplecroft, isagoo intaa ku daray in is-beddelka dowladda ay u badan tahay inuu sare u qaado kalsoonida maalgashadayaasha.
Codbixintii 2016, Lungu wuxuu ku guulaystay 50.35 boqolkiiba codadka, taas oo ku filaatay in laga fogaado wareeg labaad, Hichilema ayaa isna galay kaalinta labaad oo ku dhow 47.63 boqolkiiba.
Af-celinta: Walwaal