Sidee U Joojin Kartaa Caado Xun?
Qof walboo ku nool adduunkan waxa uu leeyahay ugu yaraan hal dhaqan oo xun, qaarkoodna waxa ay leeyihiin dhowr caado oo aan haboonayn.
Saas darteed ayaa dad badan ugu dadaalaan waqti walba, joojinta caado xun, ee laga yaabo in ay daciifinayso awoodooda, dayacayso waqtigooda ama burburinayso caafimaadkooda.
Dhaqamadaas xuna inta badan ruuxa kaligii ma saameyso, oo waxaa dhici karta in qofka ay ka dhigto qof ay adag tahay in lala dhaqamo, ama dabci xun, oo ay dadka ku hareeraysan dhibsadaan.
Haddaba sidee ayaan u joojin karnaa caadooyinka xun xun ee aan leenahay? Waxaan rajaynayaa in maqaalkan jawaabta uu ku siinayo aad ku joojin doonta dhaqanka xun ee aad rabto inaad soo cirib tirto.
Waxa ugu horeeya uguna muhiimsan ee joojinta caado u baahan tahay waa awood iyo rabitaan bir ah, oo wax kasta oo dhaca aan liicin. Waayo caadadu waxa ay qofka u fariisan kartaa meel ay adag tahay in uu iska joojiyo, gaar ahaan haddii ay ka gaartay heer ay balwad u noqoto, balse taas micnaheedu maha inuusan joojin karin, kaliya waddada uu ku joojinayo ayaa ku adkaan karta.
Sababta ay u adkaan karto jarista caadona waa in qofkaasi ka helo mar walba uu sameyo dhaqankaas farxad xilli kooban soconaysa.
Haddaba waxaad ku joojinkartaa idinka Illaahay talooyinkan soo socda:
- Marka ugu horeysa waa in qofku xadidaa caadooyinkiisa xun xun, waayo dadka qaar waxa ay joogteeyaan dhaqamo aysan xitaa ogayn in ay u daran yihiin, iyaga oo u maleynaya in ay wanaagsan yihiin amaba aysan wax micno ah lahayn. Balse ay noqdaan caadooyin xun oo laga yaabo in ay gaarto heer dadka ku hareeraysan saameyso.
- Waa in qofku ogaadaa sababta ka danbeysa sameeynta dhaqamadaas, taasina waxa ay kaa caawinaysaa in aad si dhakhso ah u maareyso dhaqanka, si fududna aad ku jarto.
- Ka dheerow wax yaabaha kugu riixaya dhaqamadaas, waxaadna arrinkaas u kaashan kartaa dadka kale, waayo waxaa dhici karta in aad jarto caadooyinka ay kugu sababeen dadka kale, oo waxaa jira dhaqamo aan tiro lahayn oo ay dadka kale kugu riixeen.
Waxaa se ka tiro badan kuwa qofku isku horseedo, isaga oo rajaynaya gaarista shay ama dareen.
- Ogaanshaha dhibaatooyinka kaaga imaan kara sameynta caado uun, ayaa kaa dhigi karta qof dhakhso uga bogsada caadadaas, oo dadka qaar marka ogaadaan dhibaatooyinka, ayaga ayaa si tartiib tartiib uga dheeraada.
- Ku badal caado wanaagsan booska caado xun, si aad uga dheeraato dhaqamadaas xun xun. Waayo caadooyinka san qofka ayay hormariyaan waxa ayna wanaajiyaan noloshiisa, waxa ayna sidoo kale buuxisaa waqtiyada firaaqo ee qofka, taas oo dabcan ka fogaynaysa caado kasta oo xun.
Waxaana oran karnaa mar kasta oo uu qofku leeyahay yool, una shaqaysto gaarista hadafkaas, waxa ay ka yeelaysaa qof ka fogaada dhaqan walba oo xun, maadaama uu qofkaas u arko noloshu in ay ka wayntaha qancinta nafta iyo dareemida dhowr daqiiqo wax mustqbalkiisa ku cayaari kara.
Haddaba, akhristahayga sharafta lahow; talooyinkaas ayaan rajaynayaa in ay kaa dhigi doonaan qof ka hor taga dhaqan walba oo dib kuu dhigay, lana rafaadsan tahay noloshaada.
Dabcan haddii aad helayso kuwo kale fadlan ku soo qor qaybta commentiyada hakaa faa’iidaan akhyaarta kalee.
Buugga: Berri Bilicsan
Tur: Yoonis Baarri II
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!