Guri Waa Naag Horta Ma Isku Raacnay

0
Tuesday August 10, 2021 - 09:56:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guri Waa Naag Horta Ma Isku Raacnay

    Dharkiisa waxuu gayn jiray doobbi ama labadaayo. Kolkuu ku wasaqoobo isla doobbiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dharkiisa waxuu gayn jiray doobbi ama labadaayo. Kolkuu ku wasaqoobo isla doobbiga



Waxuu ahaa Darawal wado gaari Caasi ah oo Xamar ka dhax shaqeeyo. Xilli habeenimo cawcaw ah abbaarihii 4.30 aroornimo ayuu ka soo kalihi jiray Guriga uu daganaa oo ka koobnaa labo qowladood Barsad Jiko iyo Musqul. Intuu gaarigiisa Nalka u shido ayuu shaqa billaabi jiray deetana Siddeeda habeenimo ayuu intuu gaarigii Garaash ku xareeyo u hoyaadi jiray aqalkiisii marnaa. Intuu Iskoobo meel halkaas ah yaalo soo qabsado ayuu iska yara xaaqi jiray inta qashin ah ee hortiisa tuban meel fogna ma gayn jirin Bac wayn oo albaabka guriga taalo ayuu asoo hiiftamayo ku dhax ridi jiray. Kaddibna dhalo u tiilay ayuu labadoo saacadood oo kale fiirsan jiray. Asoo daal la gabgabayo ayuu bartiisaas isku kala fidin jiray. Haakah!

Mararka qaarkood xitaa kama gaari jirin inuu Tvga damiyo oo hurdaa la tagi jiray. Kolkuu subixii soo kaco ayuu damin jiray Dhalada.

Dharkiisa waxuu gayn jiray doobbi ama labadaayo. Kolkuu ku wasaqoobo isla doobbiga dhaxdiisa ayuu ku dhar baddalan jiray oo intuu kii wasaqaysnaa dhigo ayuu kuwii horey loogu dhaqay xiran jiray.

Muddo sanad badan ah ayuu Noloshaas doobnimada ah ku noolaa wuuna la qabsaday. Kol dambe ayuu aroosay. Xaaskina waxuu dajistay isla gurigii. Gabadhii waxeey nadiifin u gashay gurigii gorofoobay oo xitaa qol ka mid ah aan sanado la galin oo caaraystay. Intaysan hawsha qabanin waxeey ka qaaday sawiro xasuus ah si eey hadhoow u tusiso qaabka uu ahaa guriga uu Ninkeeda ku noolaa. Markeey dhalo ka dhigtay oo ey tustay sawiradii hore wuu yaabay madaxuu qabsaday. Ninkii cidlada iyo kalinimada dilootay wuu ka koray rafaadkii iskaabulanimada. Dharka wasaqoobay ee uu katabaanka surto isagoo feeraysan ayuu armaajada kala soo bixi jiray.

Habeen kasto waxuuiman jiray guri goglan, sharaxan, kaasoo carfiyay uunsi catar iyo batafuun. Ninkii kaligiis isla hadli jiray waxuu helay cid ka jiibiso.

Aaheey

Ha'ddii kale waxaan lahaa

Aaheey!

4.30 aroornino ee uu quraac la,aan bixi jiray wuu ka gudbay oo markuu indhaha kala qaado. Waxuu maqlaa cod dhahayo," Xabiibi Biyaha Suuliga waan kuu geeyay Quraacdaadana waa taasaa. Intuu soo mayrto oo uu quraacdo oo uu dhar carfayo soo xirto ayaa kolkuu soo baxayana dhabanada laga shuminayay. Ninkii wuu yaabay. Bisinka waxuu yiri," Wax kasto waxaa iigala yaab badnaa waxaan imaan jiray sariirta jiifka oo habeenba dhan cusub loo jeediyay ama laga soo jeediyay. Daahyo kala cayn ah oo qolka lagu xardhay. Waxuu qiray inuu ku noolaa qabri haddase uu adduunyo joogo. Isagoo Alxamdulilaysanayo gacmahana kor u taagayo ayuu yiri," Guri waa Naag!. Iskaabulanimadana waa xabsi aan laguu ogayn!



W.Qoray. Saciid Waxgarad

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...