Dhacda nololeedkii Elvis Presley

0
Monday August 09, 2021 - 09:35:50 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacda nololeedkii Elvis Presley

    Kumanaan Dad Ah Oo Adduunka Ku Kala Nool, Ilaa Ay Gaareen Inay Sidiisa Oo Kale U Labistaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan Dad Ah Oo Adduunka Ku Kala Nool, Ilaa Ay Gaareen Inay Sidiisa Oo Kale U Labistaan



Wuxuu Ahaa Heesaa Caan Ah, Hantay Qalbiyada Kumanaan Taageerayaashiisa Ah Oo Ku Kala

Nool Adduunka Dacaladiisa, Gaaray Darajo Ay Dad Badan Ku Taahayaan Inay Nolosha Adduunyo

Ka Gaaraan, Wuxuu Gaaray Darajo Dad Badan Ay U Arkaan Inuu Yahay Ninkaan Mid Nasiibku La

Saaxiibay Noloshuna Iskugu Duba Dhacdey, Wuxuu Tusaale Ay Ku Deydaan U Noqdey



Kumanaan Dad Ah Oo Adduunka Ku Kala Nool, Ilaa Ay Gaareen Inay Sidiisa Oo Kale U Labistaan

Oo Dharka U Xirtaan, Timaha U Jartaan " Akhriste Waad Maqashay Qaab Tima Jareedka Loo

Yaqaan Elfiska Oo Aad Dhallin Yaradu U Jecel Yihiin, Ilbaxnimana U Arkaan, Hadde Hab

Jarniinkaasi Magaca Ninkaas Ayuu Wattaa, Waana Siduu U Jaran Jiray Timaha ”.


Waxey Heesihiisu Gaareen Inay Noqdaan Kuwa Adduunka Loogu Iibsiga Badan Yahay Xiliguu

Noolaa, Waa Lagu Qiyaasaa Cajiladihii Ay Ku Duubnaayeen Heesihiisu In Laga Iibiyay Intuu

Noolaa Ilaa 350 Malyan Oo Cajil!


Ninkii Saas Ahaa Waxey Noloshiisii Ku Dhamaatay In Maydkiisa Laga Helo Suuli Ama Musqul

Dhexdeed Isagoo Jirkiisa Laga Helay 14 Maado Oo Mandooriye Ah, Waxaana La Aaminsan Yahay

Inuu Maandoori Yaashaas U Isticmaalay Siduu Naftiisa Uga Takhalusi Lahaa Adduunkanna Isku

Dhaafin Lahaa!


Haddaba Su’aasha Is Weydiinta Leh Waxey Tahay, Maxaa Sababay Inuu Heerkaas Ku Dameeyo

Elvis? Maxaa Keenay Inuu Ugu Damayntii Is Dilo Isagoo Da’diisu Marayso 42 Sano? Maxaa Ka

Maqnaa Oo Uu Baadi Goobaayay? Maxaa Keenay Inuu Noloshuu Ku Jirey Ka Door Bido Inuu Is

Dilo?


Akhriste Adiga Ayaan Ku U Deyn Inuu Maankada La Dabaasho Jawaabtana Aad La Soo Baxo.

00:00

Abdi Kariim Mohamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...