Hambalyo Sannadka Cusub Ee Hijriyada 1443.

0
Monday August 09, 2021 - 09:33:31 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 5190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 6 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Sannadka Cusub Ee Hijriyada 1443.

    Curashada Sanadka Cusub Ee Islamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Curashada Sanadka Cusub Ee Islamka
May be an image of one or more people and text


Sanad Wanaagsan Dhamaan Muslimiinta 1443h.

Tirsiga Taariikhda Hijriyada Waxaa Laga Soo Bilaabaa Markii Nabi Muxamed صلي الله عليه وسلم Ka Hijrooday Magaalada Makah Al-Mukaramah Una Hijrooday Magaalada Madiina Al-Munawarah.



Taariikhda Hijriyada Islaamka Waa Bisha Allaah Sw Cirka Kasoo Saaro Ee Aan Tirsano Kuna Soono, Kuna Xajino, Zakadana Ku Dhiibno, Waxa Uu Sanadka Hijriga Ka Kooban Yahay Labo Iyo Toban Bilood Oo Kala Ah.

1-Muxaram

2-Safar

3-Rabiicul Awal

4-Rabiicu Thaanii

5-Jamaadul Awal

6-Jamaadul Aakhar

7-Rajab

8-Shacbaan

9-Ramadaan

10-Shawaal

11-Dul-Qacdah

12-Dul-Xijah.

Labo Iyo Tobankan Bilood Sida Uu Allaah Sw Noogu Cadeeyay Aayada (36)Aad Ee Suuratu Towbah Waxaa Ku Jirta Afar Bilood Oo Xurmeysan Kuwaasi Oo Kala Ah Muxaram, Rajab, Dulqacdah Iyo Dul Xijah.

Walaal Waxaan Idiin Rajaynayaa Sanadkaan Cusub Oo Inoo Dhashay Inuu Ilaahay Nawaafajiyo Khayr Dhamaantiin Waxaan Ku Jiraa Muxaram [Sako] Oo U Horaysa Taariikhda Bilaha Hijriyada Ama Taariikhda Bilaha Isalaamka.

Walaalayaal Waxaa Nagala Doonayaa Inaan Isxisaabino Intaan Nala Xisaabin Oo Sanadkan Cusub Aan Nafteena Waydiino Sanadkii Hore Maqasaarnay Mise Waa Faa’iidnay, Sida Ay U Xisaabtamaan Ganacsatada Ama Ay Xisaab Xir U Sameeyaan Sanad Walba Dhamaadkiisa Ayna Uga Leexdaan Waxaan Faa’iido Ugu Jirin Ama Ay Ku Khasaareen Sanadkii Hore.

Walaal Ilaahay Dhaafidiisa Iyo Naxariistiisa Ayaa Ka Wayn Danbi Kasta Oo Lagalo, Ilaahayna Waa Mid Aad U Dulqaad Badan Jecelna Adoonkiisa Toobad Keenka Ah, Hadaba Walaal Sanadkaan Cusub Furo Bog Cusub Oo Aad Ilaahay Ugu Dhawaanayso Kuna Tirtiraso Waxii Kaa Dhacay Ee Gaf Ah.

Intaa Kadib Walaalayaal Inagoo Ka Duulayna Ilaahay Qur'aan Kiisa Sw Uu Ku Yiri [Isu Kaal Maysta Wanaaga Iyo Cabsida Alle] Iyo Xadiiskii Nabiga Scw Oo Ahaa [Qofkii Qof Khayr Tusa Waxuu Leeyahay Ajarka Kan Khayrka Uu Tusay Oo Kale Labadoodna Waxba Lagama Yaraynayo] Iyo Xadiiskii Kale Oo Nabigu Kulahaa Scw [Qofkiina Iimaan Dhaba Malahan Ilaa Uu Walaalkiis La Jeclaado Waxa Uu Naftiisa Lajecelyahay] Axaadiistaasna Waa Saxiix.


Abdi Fitah Mohamed

Aza


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...