Xaqiiqada Wax Akhriska!.

0
Monday August 09, 2021 - 09:30:24 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaqiiqada Wax Akhriska!.

    Xaqiiqada Dhabta Ah Ayaa Ah In Uusan Jirin Qof Jecel Wax Nafta Dhibaya Ama Mashquulinaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaqiiqada Dhabta Ah Ayaa Ah In Uusan Jirin Qof Jecel Wax Nafta Dhibaya Ama Mashquulinaya

Qoraalkaan Gaaban Waxa Aan Ugu Talo Galay In Aan Isku Dhiiri-Galino Wax Akhriska Aniga Oo Ka Faaiidaysanaya Munaasabada Maalinta Buugta Adduunka.


Miyaad Iga Rumaysan Lahayd Hadii Aan Ku Idhaahdo Buugaagta Ma Jecli Wax Akhriskana Haba Sheegin Waxa Kaliya Ee Aan Xiiseeyo Waa In Aan Si Nabad Ah U Fadhiisto Sariirtayda Ama Kursigayga Aniga Oo Iska Dhex Dabaalanaya Bogaga Facebook Iyo Youtupe Marka Ay Iga Qabatana Gala Netflix Oo Saacada Badan Aan Ku Qaato Daawashada Aflaamka Kala Jaadka Ah.



Xaqiiqada Dhabta Ah Ayaa Ah In Uusan Jirin Qof Jecel Wax Nafta Dhibaya Ama Mashquulinaya Kulligeen Waxa Aan Jecelnahay In Aan Iska Baashaalno Samayno Wax Na Xiisa Galinaya Balse Anigu Waxa Aan Doorbiday In Aan Buugaagta Dhex Dago Kana Samaysto Hoy Rasmi Ah.


Ma Jiro Wax Aan Ka Bixiyo Lacag Inta Aan Lacag Ka Bixiyo Buugaagta Sababtuna Waxa Ay Tahay In Haddii Aan Xirto Dharka Ugu Quruxda Badan Ay Kaliya Qurxinayaan Korkayga Balse Marka Aan Akhriyo Buugaag Kala Duwan Cilmi Iyo Aqoonna Ii Siyaado In Aan Gudaha Iyo Korkaba Si Is Le'eg Uga Qurux Badnaanayo.


Ma Jiro Qof Jecel In Uu Waqtigiisa Oo Dhan Wax Akhris Ku Bixiyo Aniguna Sidoo Kale Idinka Ayaan Idinla Mid Ahay Oo Maalinkayga In Badan Oo Kamid Ah Waxa Aan Ku Qaataa In Aan Sameeyo Waxyaabaha Dhalintu Sameeyaan Haddana Saas Oo Ay Tahay Marna Xasuustayda Kama Baxdo Waqtiga Aan Luminayo In Aan Ka Shallaynayo Maalin Aan Maanta Ahayn Markaas Baan Ku Ordaa Buugaagta Aniga Oo Ka Baqanaya In Aan Aniga Oo 80jir Ah Fariisto Sariirta Isbitaalka Ama Firaashka Dhex Yaala Gurigayga Duuga Ah Aniga Oo Dib U Eegaya Maalmahaygii Labaataneeyada Kana Shallaynaya Maxaan Waqtigaygii Uga Faaiidaysan Waayay.


Jaanis Ayaad U Haysataa Wax Walba, Haddii Caqabada Ugu Wayn Oo Wax Akhriska Kaa Haysataa Ay Tahay In Aadan Helin Buug Fiican Oo Afsoomaali Ah, Luuqadaha Qalaadna Aadan 100% Fahmin Waxa Aan Kugula Talin Lahaa In Aad Xooga Saarto Sidii Aad Ku Baran Lahayd Luuqad Caalami Ah Oo Aad Xog Badan Ku Helayso Sida English Ama Carabi Kadibna Aad Ayada Wax Ku Akhriso Kuna Barato.


Ugu Dambayn Ma Jiro Qof Dhamaystiran Ha Eegin Kuwa Buugaagta Badan Akhriyay Hana Is Odhan Alla Haddaan Aniguba Sidaas Oo Kale Ahaan Lahaa, Waxaa Jirtay Maalin Ay Adiga Booskaaga Taagnaayeen Ee Bilow Maantaba Si'aad U Gaartid Boos Ka Sarreeya Kan Ay Joogaan Dadka Aad Hiigsanayso.


W/Q: Fatma Mehmut

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...