Soo Noqoshada Ciidamadii Eritrea Ku Maqnaa Iyo Daad-Guraynta Ciidanka Ethiopia Ee Soomaaliya Joogga!

0
Sunday August 08, 2021 - 09:58:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo Noqoshada Ciidamadii Eritrea Ku Maqnaa Iyo Daad-Guraynta Ciidanka Ethiopia Ee Soomaaliya Joogga!

    W/Q: Axmed-Assad M. Awaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed-Assad M. Awaare
Macluumaad aan ka dhega-dhageeyay baro looga-qaateen ah ayaa tibaaxaya in ciidamadii ENDF si xun ay igu riiqdeen agagaarka Waldiya ee gobolka Amxaarada, tiknikadoodiina intii badnayd ay la wareegeen Tigreegu.

Falanqeeye Maraykan ah oo ka hadlayay Military & Foreign Affairs Network ayaa ciwaan uga dhigay hadalkiisii "Ciidanka Tigreegu Uur-ku-jirtii Ayay Kala Baxeen Ciidankii Ethiopia". Wuxuu sii raaciyay, in intii badnayd tiknikadii dawladda ee Weldiya ay Tigreegu qabsadeen. Tani waxay keentay buu leeyahay, in aanay iminka xitaa wax iska caabin ah dawladu ay tahli kari weyday, oo xitaa magaaladii ku xigtay ee Lalibela markii ay Tigreegu soo ag dageen ay ciidamadii dawladu iskaga baxeen iyagoon xabad qush ka siin.



Wuxuu is waydiiyay, "hadiiba marka Tigreegu soo muuqdo ay firxanayaan ciidanka dawladu, miyaanay suurto gal ahayn in ilaa Addis Ababa haawanayso, oo ayba adag tahay sidii caasimadda loo difaaci lahaa?".


Markasta ogsoonoow dagaalka waxaa ka mid ah borobagaando, marka dhawqa reer-galbeedka & mukhaabaraadkooda waa inaad iskaga badhaxdaa ilo kale oo looga qaateen ah.


Haddaba, maanta waxay dawladda Ethiopia ku dhawaaqday in ay dhamaan ciidamadeeda hawl gelin doonto, taasoo loo fasiran karo inay la baxayso ciidamadii AMISOM ee ka joogay Koonfur-Galbeed.


Dawladda Federalka Soomaaliya ayaa u muuqata in xogtan loo sii sheegay dhawr maalmood ka hor, taasoo ku keliftay inay si degdeg ah ula soo noqoto ciidamadeedii loogu tababarayay Eritrea oo qiyaastii tiradoodu tahay 5,600 oo askari. Taradani waxay waxoogaa ka badan tahay ciidamada Ethiopia ee la filayo inay baxyaan, haseyeeshee ma cadda halkay agab gaashaaman oo ku filan ka heli karaan.


Axmed-Assad M. Awaare
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...