Ila Qosol, C/llaahi Maxamed Cumar.

0
Saturday August 07, 2021 - 14:01:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol, C/llaahi Maxamed Cumar.

    C/llaahi Maxamed Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/llaahi Maxamed Cumar
Salaan maamuus iyo milgo ku dheehan tahay marka aad guddoontaan kaddib, ku soo dhawaada akhristayaal; sheeko kale oo ka mid ah, sheekooyinkeennii, Ila Qosol



Nin reer miyi ahaa ayaa beri magaalada yimid. Markaasuu arkay dhawr nin oo ay yaraantii miyiga wada joogi jireen oo markii ay magaalada soo galaan ganacsato noqday oo calool yeeshay (xaydhaystay)! Markaasuu la yaabay nimankii inta ay calooshu le'ekaatay.

Ninkan reer miyiga iyo nimankan xaydhaystay oo tol dhow ahaa, laakiin laba jilib ka ahaa ayuu la kaftamay oo ku yidhi, " Waar waxan beryahanba is idhaahdaa, nimankii reer hebel waydinkii ka badnaaye; goorma ayay idin dhaafeen?" Wuxuna sii raaciyey, " Waar illayn waa niman xin dhalaya oo haween daaye, raggiina u dhalayo!" Isaga u-la-jeedey calooshoodan weyn ee aad moodid, in ay uur leeyihiin!


C/llaahi Maxamed Cumar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...