Dhubuq-Dhubuq Hore Dhabana Hays Dambe Bay Leedahay ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday August 07, 2021 - 13:56:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dhubuq-Dhubuq Hore Dhabana Hays Dambe Bay Leedahay ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Nin Soo Joog Laga Waayo, Soo Jiif Baa Laga helaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Nin Soo Joog Laga Waayo, Soo Jiif Baa Laga helaa

Hees uu qaadi jirey Aabihii fanka Somaliyeed, Abdilahi Qarshe (Naxariisi guud-kiisa ha ahaatee) Oo uu lahaa ( Ilaaah ha u naxariistee) Balaayo-Cas, baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa " Waa yaaan-ba-ayaan, duni aakhir sabaan, nin aroosanayaa, mid-na aas tegayaa" Murti-daas iyadda ah saaka baynu haynaa, taas oo wiilkii lugo fidsaday, is yidhi illaahay ka sokaw adigaa aduunkan gacanta ku haya, uu dhulku u go'ay, oo kafantii lagu xidhi lahaa ay dul saaran tahay, waa askariga " Raggii ma adigaa ka hadhaye" koox-ddii sacab beenaadka u garaaci jirtey-na la is nacay ( Waa Wasiiro ku sheeg-yada'e). oo ay leeyihiin " Waayuhu sir-gacanaa, kululaa sabaanadu, siyaasadu guracanaa, soo salal madoobaa" Ilayn waxay ku soo xidhmay albaabkii beenta ee ay ku adeegan jireene. Tixddii guba, baa waxa ka mid ahaa "Hadba dunidda duul-baw kacoo, diin la soo shira'e, saw sidda darwiishkii Isaaq duub-cad uma qaadan" waxan u soo qaatay murti-daas Cali Dhuux, wixii la iska dhaadhi-ciyey in aan maamulka "Xaafad-tooyadda" cid ka hor iman karin, siday doonaana, ay u socan karaan ugna takri fali karaan, laakiin taasi socon wayday oo halka ay marayso somaliland waad arkay-saan, in la iskaga daba yimi, in loo biyo-biyeeyey khuraafaadkii la isku qafilay.



Waxan leeyahay waa halkii Cali dhuuxe ( Ihn) " Saw Isbahay-siggii Mucaariku Duub-cad uma qadan, oo wiilkii is waalaayey ( waa askarigee) lama waabin, oo timihii iyo cidhib-tiisii la iskuma xidhin. Horaa loo yidhi " Nin is-waalaba waabiyaa hella" bac-bacddii, annaa awood leh-ddii may noqon biyo col dhaanshay, oo cirka lagama eegin. imika buu siddii heesii qaraamiga ahayd ee uu qaadi jirey (IHN) Maxamed Axmed Kuluc, saw qaadi maayo askarigu xikmad ku jirtey , taas oo ahayd " Cirka iyo dhulka meel dhex-doodda ah, oo dhana-ba jirin, baan dhac-dhacayaa" Murti somaliyeed baa jirta, taas oo loogu maah-maaho qofka loo taag waayo, caga-dhigo lagu kari waayo, oo qun yar soco marka la yidhaaho ka sii dara, inta uu isku qafilo wax aanu ahayn ( Waa sidda " Raggii ma adigaa ka hadhaye iyo kooxdda uu Xaafad-tooyadda kula shiro'e" Waxay xikma-daas odhanaysaa " Dhubuq-dhubuq hore, dhabana hays dambe bay leedahay" Allay-lehe imika baa cidi-diisii uurka lagu jebiyey, oo hadh cad lagu yidhi " Tab hayaw lagaa tab hayee" oo aanu waali iyo miyir qab mid-na aanu ahayn, jiif iyo joog-ba diiday, ku waal-waalanayaa sidaas maan moodayn, iyo halkee bay wax iska bedeleen, distoor baa la barbar maray, oo odayaashii bad-baadiyey Qarankan, joojiyey xinjirihii iyo dhiiggii uu ugu tallo galay in uu ku qubo, oo ah isku dhufa-shadda beelaha la canaanaya. Hadda waa oday Saleebaan iyo gudoomiyaha Maxakamadda sare Adan Xaaji Cali, oo guul ka soo hooyey, kana bad-baadiyey ummadda beladdii loogu tallo galay. waxay leeyihiin sharci bay baal mareen ama jebiyeen, ilayn waxay doona-yeen baa u socon waayaye.


Waxan ku soo xidhay akhristaw, murti kale baa hayd " Ninka soo joog laga waayo, soo jiif baa laga helaaye" Kuwii bello doonka ahaa iyo daba-xaabya-diisii maanta baa geed ay cuska-daan la' yihiin. Hees uu qaadi jirey ( IHN) Cabdaalla Sagsaag baa saaka taagan, waxa uu odhan jirey " Bad baa igu gaaf-wareegsan, mawjado gurxamaan dhex galay, gabal baa igu dam yidhi, oo cir-kaan gabal ka arka-yaaye, ilayn geed la ciska-daana, ilayn gees loo kacaana, ilayn wax garaaba-yaana" Waxay heestani sawir buuxa inaga siinaysaa, halka uu xaalku la maraayo Xununal-qarqooshkii " Xaafad-tooyadda" oo shaadh-kooddii laga baxay, ummddii reer Somaliland oo ka tashatay duulkan ku qamaamay hantidda ummadda, Maanta waxa sabata-bixiyey, labadda gudoomiye ee Saleebaan Aadan iyo Adan Xaaji Cali, haday tahay, tii uu lahaa Maxamed Mooge " Waxa iman ayanatii Alle aan ka sugayee" Alle wuu aqbalay oo saaka baa la hayaa ayaan-taas uu sii sheegay Mujaahid Maxamed Mooge. Bal iyana u fiirsadda gola-yaasha deegaanka, Sidda looga widh-widhiyey iyo shacniga ka baxaaya " Waa Alle Mahadii" Ha ina dhaafeen kuwan ah " Yam-yam iyo qadaad weyntan, siddii macaan-jecel sonkor heshay, ku dareeray hantiddii ummadda. Golaha Wakiiladda cusubina, waxay iyana si wacan u ilaalin doonaan Distoorka qaranka, sharciga, sinaanta, cadaaladda, wadda jirka, oo waxay soo af-jari doonaa is nacsiintii ummadeena iyo eexddii, kala qaybintii, qabyaaladdii maamulka lagu maalaayey, ducana waynu raacinay, ee Illaah garab-koodda ha gallo.


* N.B Nin Soo Joog Laga Waayo, Soo Jiif Baa Laga helaa!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...