Somaliland Maxaa Uga Meel Yaala Hadii Xaaladaha Dawladaha Deriskeenu Xumaadaan ...!!!!
W/Q: Mohamed Abdi Jama
Dagaalkii waqooyiga Ethiopia ka bilaabmay uma eka mid dhamaanaya,
dedaal walba oo la wado haddana xaaladuhu waa qaar aan ka soo raynayn,
saameyntiisana waxa laga dareemayaa guud ahaan dalkaasi Ethiopia oo
dhan , waxaa uu u soo muuqdaa mid isku rogi doona in qoomiyado la isku
dilo oo uu hadda sansaankeedii muuqdo.
Waxa jiray dagaal kale oo Ethiopia gudaheega ka dhex socda oo ay
isku dilayaan Beesha Ciise oo ka tirsan qoomiyada soomaalida iyo
qoomiyada canfarta, dagaalkaasi waxa ku dhintay oo lagu laayey dad badan
oo soomaaliyeed xaaladiisuna maaha mid ka soo raynaysa, waxaana
suuragal ah in uu isku rogo qoomiyadaha Soomaalida iyo Canfarta,
waxaana uu saameyn wayn ku yeelan doonaa dalka Djibouti.
Labadani dagaal waxa ay halis u yihiin in dalka Ethiopia ay ka
xidhanto dhuunta ugu weyn ee ay waxna kala soo degaan waxna ka
dhoofiyaan oo ah jidadka isku xidha Djibouti iyo Ethiopia, sidoo kale
waxa ay dhaawac weyn u geysan doonaan dhaqaalaha iyo nolosha dadka
Djibouti 95% ku tiirsan adeega dekedaha ee ay siiyaan Ethiopia.
Hadii halkaasi soo xidhanto waxa ugu dhow oo la rabaa in dalka
Ethiopia laga quudiyo dekeda Berbera, waxaana soo fool leh hawl marka
dhaqaalaha jamhuuriyada Somaliland soo gelaya laga yimaado culeyskeeda
leh oo u baahan in qorshe qaran laga sii yeesho, sidoo kale hadii la
helo maalgashi la dhiso dekedo kale oo dalku yeesho si ay Somaliland u
noqoto dhuunta ugu weyn uu quudisa Ethiopia iyo Bariga Africa .
Dhinacan kale Somalia waxa ku soo fool leh doorashooyin aan wali si
dhab ah loogu heshiis aheyn iyo waliba dhinacyada ku tartamaya oo ah
kuwii ciidamada hubaysan magaalada Muqdisho gudaheega dagaaladu ku dhex
mari gaadheen, waxaana ay u muuqataa doorasho khatarteeda leh oo hadii
waxa ka soo baxa lagu wada qanci waayo laga yaabo in ay halisaha iyo
khataraha amni ee gobolku meel xun gaadhaan.
MAXAA SOMALILAND KAGA IMAN KARA HADII XAALADAHA AYNU SOO SHEEGNAY KA SII DARAAN ;
1- Waxaa ku Iman kara khataro amni iyo xasilooni daro hadii
xaaladaha dawladaha jaararku noqdaan qaar amnigoodu faraha ka baxo.
2- Waxa inagaga iman kara culeys nololeed oo soo foodsaara dadka iyo
dalka jamhuuriyada Somaliland hadii xaaladaha sadexdan dal ka sii
daraan, waxaana laga yaabaa in dad nolol iyo nabadgalyo raadinayaa u
soo qaxaan Somaliland.
3- Waxa inagu iman kara culeys dhaqaale oo waxa suuragal ah hadii ay
kala xidhmaan Ethiopia iyo Djibouti in aynu ceeryoon noqono inagaga oo
aan si dhab ah isugu diyaarin culeyska intaasi leeg , oo nolosha iyo
maceeshaduba ku adkaato dadka iyo dalka jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba xiligani waxa lagu jiraa wakhti ay isbadelo iyo dagaalo aan
la garanayn natiijadoodu ka socdaan Gobolka Geeska Africa oo ay
jamhuuriyada Somaliland tahay dalka ugu xasiloon , ugu dimuqaardisan
uguna dawladnimo iyo rajo wanaagsan marka loo eego Gobolka ay ku taallo.
Xukuumada jamhuuriyada Somaliland, indheergaradka , mac-hadada iyo
aqoonyahanka waxa la gudboon in la furo doodo iyo wax isweydiin lagaga
gaashaamanayo khataraha jamhuuriyada Somaliland kaga iman kara xaaladaha
Gobolka Geeska Africa oo aan wanaagsanayn.
.
Mohamed Abdi Jama
Dhimbiil Mohamed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...