Fariinteyda Gololaha Cusub Ee Wakiilada Somaliland

0
Saturday August 07, 2021 - 13:49:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fariinteyda Gololaha Cusub Ee Wakiilada Somaliland

    W/Q: Rashiid J. Farah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Rashiid J. Farah

Marka hore Allah (scw) ayeey mahad dhamaanteed iska leh inoogu nicmeeyey dhamaan nicmooyinka waaweyn ee aynu haysano ee uu isagu ina siiyey.



Marka ugu horeysa waxaa xubnaha wakiilada looga baahan yahay arimo dhawr ah:


a) Dhaartii la dhaariyey in uu ficilkasta oo uu qabanayo is hor dhigo oo uu ka eego dhaartii iyo ficilka aad sameyneysaa ma is waafaqsan yihiin Sida:


Waxaad ku dhaaratey ALLE hortiisa in aad daacad u ahaaneysid Diinta Allah, Dalka Somaliland iyo inaad dadka reer Somaliland ku dhaqaysid Cadaalad iyo Sinaan inta aad masuuliyada haysid.


b) Sidii ay shacabkii codka ku siiyey kaa kala soo dhex baxeen musharaxiintii kugula tartameysey xubnimada golaha taas macnaheedu waxay tahay mar walba waa in aad ka warhaysaa xaaladooda ku saabsan baahiyaha dhinacyada Caafimaadka,waxbarashada, helitaanka biyo nadiifa oo ku filan iyo Shaqo abuuriska iwm.


c) Waxaa lagaa filayaa inaad wax waxba ka horumariso danta Qaranka Somaliland iyo waxay faa’iidu ugu jirto diinta, dalkaaga iyo dalkaga.


d) waana inaad idho furan u yeelataa xaaladaha kugu xeeran cadawyada kala duwan ee uu dalkani lee yahay waa inaad fahantaa shaqada laguu idmaday shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah si aad fahan guud uga haysatid waxa saxa ah iyo waxa aan sharciga iyo sharafta xildhibaanadaba ka reeban.


e) Ogow imika ma tihid shaqsi keliya oo hadalkuu yidhaahdaa xumo iyo samaba uu ku kooban yahay adiga balse waxaad tahay muraayadii qarankan oo qof walba uu qiimeenayo waxaad ku hadashid erey kasta oo afkaga ka soobaxa,wax kasta oo aad baraha bulshada ku qortid,war saxaafadeed kasta oo aad bixisid waa kuwo lagula xisaabtamaya ,oo ku suntanaan doona sharaftada iyo qiimeystada dhabta ah dadka iyo qaranka Somaliland kaa bixin doonaan mustaqbalka iyo la xisaabtankaga dhabta ah.


f) Qaran kastaba sir buu lee yahay waxaa aad hada guda gelidoontaan shaqooyin kiina oo ah ay ku jiraan kuwo sirta qaranka ee xasaasiga, waxayna u baahan tahay in macluumaadka qarsoodiga ah aan lala wadaagin qof kasta oo aan ku lug lahayn xog xasaasi ah ama aaney quseyn. Haddaba eeg hareerahaaga iyo hortaada intaad u shaqayso qarankan oo ku talo gal arimo badan oo qarsoon.


La soco qaybaha dambe

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...