Ma Kalifi Doontaa In Beesha Balligubadle Dib Ula Soo Baxaan Hubkii Ay Ku Wereejiyeen Cigaal?

0
Saturday August 07, 2021 - 13:45:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Kalifi Doontaa In Beesha Balligubadle Dib Ula Soo Baxaan Hubkii Ay Ku Wereejiyeen Cigaal?

    Qore: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed

Maqaalkan oo aan qoray ka hor intii aan la xalin dhibaataddii uu aloosay Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) kaasi oo fariin qaldan faray Wasiirkiisa Ganacsigga, Wasiir Saajin, taasi oo uu si hawl yar u faray inuu waraaq qoro taasi oo Xikmad ku sheeggii ay xanbaarsanayd ay ahayd in la joojiyo shaqaddii ay haysay ShirkaddaEthiopian Shipping Enterprise ee uu agaasimay ganacsadde Axmed Cismaan Geelle,kaasi oo kola loosoodhex maro Somaliland oo ay Jabuuti ka soodhex hadasho kola uu Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) uu damco inuu qaato shirkaddo dad aasaasteen ama Saami ku yeesho siddii uu ganacsiyo hore oo dad gaar u lahaayeen uu ugu yeeshay Saamiyo qasab ah, kaasi oo kugu eegayo inay ku marto iyo in kale waase ciddii ka yeesha ee uu marsiiyo ee u baqo cararta. Haddiise aad tahay qof waabinaya waa uu kaa jeedsanayaa waana fule dhiigyo cab ah kaliya arrinka ka yaqaan ku day.



Eebbow iimaanka hanaga qaadin ayay ku ducayn jireen dadkii hore ee iimaankooddu fayo qabay, laakiin hadda oola marayo heerkii ay ugu xumayd Somaliland oo uu kursiggii halabsaday mid iimaankii laga rafacay intii aanukursigaba soo gaadhin, waa halkii ruwaayaddii (Dhado Roob Noqon Wayday) ee uu lahaaAlle ha u naxariisto’eCabdillahaahi Diiriye Sooraan.


Muuse maalintii koobaad ee la doortayba mar uu la hadlayay qurbe-jooga Somaliland waxa uu siiyay digniin loo qaatay waxaan idinkaga qaadi xoog shirkadihii iyo xoolihii aad muddada dheer iska soo dhaxlaysen, aniga oo ku soo dhuumanaya qaraaro ku soo baxay magacdawladdeed. Waxa aynu hore u soo aragnay in dhul ay daganaayeen qoysas badan oo uu ka mid ahaa Maxamed Xasan Dalab qasablagaga qaaday iyadoo lagu soo dhuuntay in laga dhisayo madaxtooyo, taasi oo aan ilaa hadda cid ag martay iyo cid wax ka dhistaytoona aan lahayn laguxalaashanayay in lagu qaato lagagana faro maroojiyo dadkii lahaa ee mudada dheer ku noolaa.


Ma dhadhawa hawsha dhul boobnimada ah oo waxaa lagu xigsiiyay Buurta Kala Jeexan oo aaanay iyana ka yarayn boqolaal qoys inta laga xooggay dhul ay daganaayeen mudo dheer oo iyana banaanka la wadhay ilaa hadda ma jirto cid soo hadal qaaday iyo wax loogu qabanayo qaranka Somaliland, taasi oo ah xoog sheegasho aan hore uga dhicin Somaliland ka hor xukunka siloon ee Muuse Biix Cabdi (Wax Ma Yaqaan).Waxaa jiray dhul kale oo ku beegnaa Halleeya oo isna la inoogu sheegay in laga dhisayo dhismo ay yeelanayaanCiidanka AsluubtaSomaliland dib looma arag oo wali waxa uu ka soo jeeddaa dalqadda reer Cabdi Dameere oo ah reer u soo tafa xaytay iimaan la’aan heerkeeddusareeyo oo aan hore loogu arag Somaliland iyo dhulka soomaaliyeed toona oo ay doonayaan inay duuduubtaan sida hararka tolow maxaa xiggi?Dhaaxaanu aragnay dar sidaa u kibray kuna danbeeyay "Adduun i khatal!” isla markaasina suugan dhumuc wayn lagu cabiray sida Ismaaciil Mire iyo maansadii caanka noqotay (Kibirka Waa Lagu Kufaa), aniga oo hoos ugu dagi doona dulucda maqaalka oo aan ka fogayn iimaan la’aanta kale oo laga yaabo inay sahayato reer Cabdi Dameere.Waa shirkaddii Ethiopian Shipping Enterprise, uu lahaa Axmed Cismaan Geelle oo uu kala soo wareegay Jabuuti markii ay is af garan waayeen Kaliggii taliyaha Jabuuti IsmaaciilCumar Geelle oo ay saaxiib dhow yihiin Muuse Cabdi (Wax Ma Yaqaan) Jabuutina ay tahay xuddunta xatooyadda Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan).


Axmed Cismaan Geelle, isaga ayaa lahaa maskaxda iyodhidibada u taagista shirkadaas oo Jabuuti ka shaqayn jirtay ka hor intii aanay iskudhicin qoyska iimaan li’idu dardartayee Ismaaciil Cumar Geelle hor jooggaha u yahay, ka dib siddii aynu wada ogayn ka soo guuray Jabuuti, markii uu inyarkaga baxsaday inuu qabto Ismaaciil Cumar Geelle mar uu Axmed Cismaan Geelle dibadda kaga maqnaa jabuuti laakiin la siiyaydigniin hore oo uu helay ay u suurta galisay inuu Somaliland iyo dhulkiisii hooyo yimaado laguna dhici waayo in la qabto oo loogacan galiyo Jabuuti iyo kaliggii taliye geelle.


Beesha reer Baligubadle iyo Somalilandayaa u kacay Axmed Cismaan Geelle, oo ah ganacsade wadani ah oo mallaayiin doolar ku aaminay dalkiisa hooyo ee aan waliba cid caalamka ka tirsani aanay u aqoonsanayn dal madax banana. Waakaaf iyo kala dheeri,in ninka noocaas ah uu Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) doonayo inuu u af-duubo kaligii taliye Geelle, marna uu rabo in uukala wareeg shirkadiisa. Dhanka kale waxaan isna ka hadhin kaligii taliye Geelle ooAxmed ku wada dhaqaale curyaamin, ka dib markii uu kaga maskax roonaaday dagaalkii ganacsi isaga iyo qoyska reer Geelle Botor ee Jabuutika dhigtay dukaan yar oo ay kolna daaqad ka saaraan, kolna albaab xagga danbe ka baneeyaan.Dagaalkan hadda ee Muuse ku soo qaaday Axmediyo shirkaddiisa Ethiopian Shipping Enterprise kama madhana geellaha jabuuti, inkastoo aanay iimaan la’aanta dardartay reer Cabdi Dameerana qayb ka tahay.


Haddaba waxaa la is waydiinayaa waraaqdaa uu soo farayMuuse Biix Cabdi (Wax Ma yaqaan) wasiir Saajin oo ah mid ka mida labada nacamle ee Faratoon iyo Saajin oo aan mayaku celin karin Muuse, ahna labo uu ku aamini karo sirta kana fushan karo wixii uu u baahdo.Haddii ay noqoto siyaasad iyo dhaqaale oo caddaynteedda aykuu filan tahay sida uu u baabi’nayo doorashooyinkii 31 May ee la yidhi waxa ay u dheceen sixor iyo xalaal ah in uu hadda ka dhigtay inuu 10 xildhibaan si sharcidarro ah kaga soo tahriibsaddo xisbigaa UCID, kuwaasi oo noqonaya musuqmaasuq iyo xildhibaano iib ah siddii neefaf jiddaawi ah oo tuban sayladda Hargaysa.Sababta uu sidaas u yeelayoMuuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) ay tahay inuu ka baxsado sharci la mariyo isaga iyo dawaladdiisa, isaga oo ku soo ceeshayinuu saddex sanno u sii fadhiyo Baashe Maxamed Faarax oo ahaa shaanbad caagga oo xukuumaddii Siilaanyo iyo qayb ka mida tan Muuse oo ku soo caanomaashay mudo 2 sano iyo badh ah iminkana uu doonayo inuu ku badasho shaanbad caagga ah oo kale oo la yidhaaFaratoon, taasi oo xataa wax badan uga tari karta ka qaadidda shirkadda Axmed Cismaan Geelle ee Ethiopian Shipping Enterprise,oo isku daygeeddii uu ka bilaabay waraaqdaa macmalka ah sharciggana aan meelna ka soo galin oo wakhtigeeddii ayaa dhamaaday. Hadii ay dhabtahay oo waqtigii liisanku ka dhamaaday, ha loo cusboonaysiiyo uun dee lisanka ay ku howl gasho.Maxaa kale ee jira?Waa haddii uu sharci shaqaynayo oo aanay ahayn shirkaddaa waxaa af u dhiganaya CabdiqafaarMaxamuud Ciiseoo aan abti u ahay haddii aanahay Muuse Cabdi (Wax Ma Yaqaan).


Haddaba Somaliland waa mid,Muuse na waa kaa. Somaliland loo soo dagaalamay in sinaan iyo caddaalad lagu helo tan iyo December 1961 kacdoonkii saraakiishii dhiiggii ugu horeeyayna uu u daadiyay Cabdillahi Siciid Caabbi ayaa maanta maraysa Cabdiqafaar Maxamuud Ciise ku wereeji shirkad rag soo dhisteen oo maaliyo maskaxba galiyeen.


Tolow ma u suurta gali doontaa qoyska iimaan la’aantu dardartay ee reer Cabdi Dameere? haddii aan si kooban uga jawaabo waa maya.Su’aasha labaadna waxaweeye beesha Baligubadle ma loo soo bixi doonaan hubkoodda oo ma difaaci doonaan Axmed Cismaan Geelle? kol haddii ay sharci ku waayeen dalkooddii hooyo ee ay ahaayeen hormoodkiiugu horeeyay inay hubkooddii ku wareejiyaan xukuumaddii Cigaal dal iyo dibadna looga duceeyay ee uu hor kacayay Suldaan Maxamed Suldaan Faarax alle qabrigga ha u nuuree. Wax diidayaa ma jiraan inay sidaa yeelaan oo difaacan Axmed iyo shirkadihiisa iyo maalkiisaba waana ku garab taaganahay inay sidaa yeelaan haddii aanay Somaliland ahayn tii ay dhisayeen ee ay u baalaleeyeen hubkoodii inay soo tiriyaan kolkii kuwa kale dabadda giijiyeen.


Gabagabadiimaqaalka, Eebbe caymiya ayay leedahay Somaliland kolka ay u daran tahay waxaana ay ku soo gabagabowday in Axmed Cismaan Geelle iyo Muuse la isa soo hor fadhiisiyo oo mudo ku dhow laba saac ay wada hadleen, taasi oo uu ka shaqeeyay Xildhibaan Raambo oohadda ah Xildhibaan Gollaha Wakiiladda ah, ma hubo inay ku wehelinayeen cid kale sida Edna Aadan Dhakhtar iyo Xasan Ciise Jaamac.Si kastaba ha ahaatee Muuse iyo yarkii uu abtiga u ahaa ee Cabdiqafaar Ciise ayaa Candhuuftoodda dib u liqay, Axmedna halkii ayuu ka sii wadaa ganacsigiisiibalaadhnaa ee dadka reer Somaliland mahadiyeen kaasi oo aanu la garab taaganahaytaagero buuxda goor iyo ayaan.


Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...