Haweenka Iyo Kijada Bisha Ramadaan. By Abdirashid Osman
waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta mudan oo
aan
leeyahay ramadaan kariim illaahayna hayna waafajiyo ajarkeeda iyo
khayrkeeda faraha badan.
bisha barakaysanee soontu waa bil cibaado cuntadoo keliyana uun
lagama soomee waxaa laga soomaa wax allaale iyo wixii kalee qowl ama
ficila ee wax u dhimaya xukunkeeda, waxaase had iyo jeer aad moodaa
inaytahay bil cunto karistu fara badato oo aad moodayso in hamiga keliya
ee dadkuba kusoo ururo sidii cuntooyin kala duwan loo samaynlaa
waxaanad ka arakaysaa sida guryaha iyo suuqyada dadku ugu
mashquulsanyahay.
waxaanse isoo jiitay haweenka oo aad moodo in culays siyaadi
bishaa soo food saaro kaasoo ah cunta karin farabadan iyo howl aan
dhamaadlahayn oo aanay kijadaba ka faaruqin, maray karinayaan oo dabka
dulfadhiyaan iyo maray weelkii laga cunay nadiifintiisa ku howlanyiinba
,arinkaasi dabcan waa mid ugaara haween madaama oo aynunahay mujtamac
ninka ay ceeb kutahay inuu kijada iskadaa inuu howl kaqabtee gelistiis
marar badan ceeb looga dhigo,dhaqanka noocaasi maaha mid inoogaarase waa
mid caalamil islaamigu kawada simanyahay badidoo carabtu weliba howsii
badnaatee .
waxaa kaloo caqliga saliimkii diidayaa in haweenaydaa howshaasi
haysato bishaa inay yaduba soomantahay oo haraadkii iyo gaajadiiba u
dheeryiin bal qaar badan dhibkale iyo howlkale u wehelisaa
,haweenaydaasi mar waa hooyo oo tarbiyadii caruurta iyo howshii kalee
guriguba waa sugaysaa ,marwaa gabadh oo waxbarasho ama shaqaa sugaysa
sidaasow yihiin waakuwaa hadana sooman ee kijadiina ku jira ,marar badan
salaaduhu way ku dhaafaan bal waxaa dhacda inaanay afurada haleelin oo
ay ku mashquultahay soo dhigista cuntadii afurta ,waxaasoo howla ninkii
wuu hurdaa ama wuu fadhiyaa ama waaba maqanyahay mid cibaadaysanayoo
masaajid ku jira iyo mid gurigaba jooga se iska fadhiya oo aan waxba ku
caawin.
diiniteena suubanee islaamku waxay ina faraysaa in lays caawiyo
oo lamaanuhu isu naxariisto oo aanay ceeb ahayn inuu ninku reerkiisa la
shaqeeyo wax yarna haba noqotee ceeb maaha inaad laqaybsato howsha
kijada ama cunta karinta ramadaan ama qayr ramadaan bal waa mid
xoojinaysa maxabada iyo kalgacalka reerka hooyadaa ood lashaqayso
,xaaskaaga,walaashaa gurigaasina wuxuu u eekaadaa mid jawi qurux badan
oo marwalba qosol iyo farxad laga dareemo,caruurtaa ku faraxda markay
arkaan aabahood iyo hooyadood oo kijada kuwada jra ama aabe hooyadood ka
caawinaya howl guri.
guntii iyo gabagabadii bulshada somalida si guud waxaan ku
dhiiri gelinayaa inay dhaqanka noocaasa bedelaan oo ku bedelaan ka
wanaagsanee aan kor ku xusay nolosha lamaanaha waxaa qurxiya tafaasishaa
yaryar ee aynu yaraysano hadaynunahay raga ama ceebta u naqaano .
abdirashid osman
dubai
00971527626197
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...