Ex Madaxweyne Rayaale Oo Ka Hadlay Doorashadii Shirgudoonka Golaha Cusub Ee Wakiilada

0
Thursday August 05, 2021 - 10:58:59 in News by
  • Visits: 2017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex Madaxweyne Rayaale Oo Ka Hadlay Doorashadii Shirgudoonka Golaha Cusub Ee Wakiilada

    Ex Madaxweyne Rayaale Oo Ka Hadlay Doorashadii Shirgudoonka Golaha Cusub Ee Wakiilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex Madaxweyne Rayaale Oo Ka Hadlay Doorashadii Shirgudoonka Golaha Cusub Ee Wakiilada


Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, ayaa ka hadlay doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,waxaanu sheegay inay si wanaagsan u dhacday, isla markaana ay Somaliland u tahay guul.

Shacabka Somaliland oo raadinaya madaxweyne la mid ah DAAHIR RAYAALE - Caasimada Online


Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa hambalyeeyey shir guddoonka Golaha Wakiillada,waxaanu boggaadiyey dhinicii kale ee laga guulaystay "Horta marka u horaysa waan hambalyeynayaa shir guddoonka cusub ee Golaha Wakiilladu ay iska dhex doorteen,waxaanan u rejaynayaa inay sifiican u hoggaamiyaan shanta sanno ee ay xilka hayaan oo ay wax-yaabo baddan oo ay ummaddu tebaysay ay wax baddan ka qabtaan ayaan u rejaynayaa.’


Waxa uu intaas ku sii daray Ex Madaxweyne Riyaale"Sharaf iyo wax wanaagsan ayaan u arkaa waanan ku hambalyeynayaa sida fiican ee ay u dhacday,waanan ku amaanayaa ,kuwa laga helay ee aqbalayna waan hambalyeynayaa.”

Dhanka kalene Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay in ay kale duwan yihiin doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillad ee sannadkii2005-tii iyo tii shalay"Waayaha iyo wakhtigu wey kale baddelan yihiin ,lakiin waxaan u rejaynayaa dhammaan Golaha Wakiilladu inay Qarankan siday ugu dhaarteen ugu shaqeeyaan oo ay masuuliyadda ummaddan waxa xaqa ah iyo waddada saxda ah ay ku haggaan shanta sanno ee soo socota .”

Geesta kalene Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa farriin u diray shacabka reer Smailand oo ugu baaqay inay ilashadaan midnimadood oo ay ka dheeradaan qabyaaladda "Shacabka reer Somaliland waxa aan leehay midnimadiina iyo wadda jirkiina wadda waxaad iska daysaana bahashan hoos loogu dhaadhacayo ee beel-nimaddana hala iska daayo ,taasi ina wadda mayso waddaniyad iyo wadda jir ayaa ina waddaysa taa ha ku tageeraan cid kasta oo xilka ummaddan u haysa.”


Loading...
Loading...