Ma Hungaw-do Daacadi ( abdi-shotaly)..

0
Thursday August 05, 2021 - 10:59:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ma Hungaw-do Daacadi ( abdi-shotaly)..

    * N.B Allhayaw Banaan-kaba Bohol Kama Malaysan, Ibixiyaw-i-bixi".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Allhayaw Banaan-kaba Bohol Kama Malaysan, Ibixiyaw-i-bixi".
Saaka waxan u soo qalin qaatay, in aan u mahad naqo Illaahay, oo aan idhaaho "Rrabbaw waa kugu mahadaa iyo Alxamuli-laah" oo naga baajay, iska hor keenkii, burburkii, dhiigii uu damcay in uu ku daadiyo, anigaa maroorsa-naaya, sidan doono baan ka yeelayaa, waxan doono baan samayna-yaaddii, u been sheegtay askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" ee uu ku tallo galay. markuu Shir'gudoomiyihii damcay in uu ka dhigo Faratoon, noqdana ka gar-sooraaya, si uu isagu u yidhaaho " Aniga baa helay" ilayn wax ka xaaraanti-maysani ma jirto'e. ka dib markuu mudo laba bilood ah, kolkii uu mermeeri-naayey in uu isugu yeedho Xildhi-baanadda cusub, oo laga haystay aqlabiyadda, kuwii uu odhan jirey "Waa been ma sheega-yaal" waxay u sheegeen aakhirkii been in uu haysto aqlabiyadda, oo uu hadda isugu yeedhi karo. isna siddii buu run mooday, iulayn waa maskaxdii aynu ogayne iyo caqliggii askariga'e.



Rabbi isaga baa wax arkee, kama dhigin xisaabtii la isku fadhiisiyey, horaa loo yidhi " Dulmi Raysan-maayoo Ma Hungaw-do Daacadi" waa dhab, shalay bay ka dhacday "Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland" oo ay daacaddii ka raysay dulimiggii iyo xaq-daraddii la soo maleegay " Rabbaw waa mahadaa" hadaad naga bad-baadisay dagaalkii uu asakrigu ku tallo galay in uu shalay ka qarxo Shir'gudoonka, waxan leeyahay mar kale " Al-xamdulillaahi". Illaaahay ka sokaw, Waxa noo kacay, noo taliyey, naga baajiyey dhiig dhulka u dhaca, xinjiro daata, iska hor imaad beeleed, dagaal sokeeye, gacanta oo la iskula tago, burbur iyo cadaw nagu wiirsadda, Somalialnd oo iyana meesha ka baxda, waxa aan si weyn ugu mahad naqayaa waxa garadkii ka taliyey, ee ku guntaday, arimihii la watay in aanay u hir-gelin askarigga, ee ahaa dagaal sokeeye in faraha la isula tago, si uu u maroor-sado shir'gudoonka. Askartu Waxay ku heesayaan saaka "Allhayaw banaan-kaba bohol kamay malaysan, Ibixiyaw-i-bixi"


Akhristaw waad la soco-teen wixii meesha ka dhacay, buuqi isla sare kacay, murankii la isku amri waayey, oo ay maareeyeen

(a) Gudoomiyaah Golaha Guur-tidda Saleebaan Aadan, oo tallo wax ku ool ah keenay, taas oo aanu jeclaysan askariga, meesha iman waayey, isaga oo is lahaa adiga baa ku leh, dhooshana ka qoslaayey, markii " Faratoon" La yidhi adigu gudoomi. nasiib wanaag, tii uu ka taliyey Oday Saleebaan ( Rabbi if iyo aakhiro-ba ha garab galo'e, baa biyo col dhaanshay ka dhigtay wixii uu soo maleegeen " Raggii ma adiga aka hadhay iyo geenyo shaaximani" Oday saleebaan, waxan leeyahay illaah khayr-keeedda ha kaa siiyo dhiiga iyo xinjiraha daadan lahaa ee aad ka hor tagtay:-


(b) Waxa kale oo aan si aan xad iyo qiyaas lahayn, uga mahad naqayaa, " Gudoomiyaha Maxakamadda Sare Mudane Adan Xaaji Cali" oo Caqli saliim ahi u jiro, daacad ah, xaq-soor ah,Oo ilaa Markii ay " Xafladu Bilaabantay, ilaa ay dhamaanaysay" Si mansuuliyad leh, cadaalad ah, garsho leh, raganimo, masakax u daadihi-naayey xaajaddii ribatay, si eex la'aan ah ugu guntaday in uu ka midho dhaliyo, oo uu cadaaladdii loo egmaday siddii ay ayhad uga soo baxay ( Illaah ha ku garab gallo, Waanu idiin ognahay haddii aanu nahay Ummadda Reer somaliland, labadiina gudoomiye, abaal-kaad shalay u gasheen umadiiina, iyadda oo la rabay in la isku dhufto beelaah Somaliland iyadda ood an gaaar ah iyo keli-talisnimo loo adeeg-sanaayo., ma ilaabi doono, sidda nooga kor qaadeen, ee aad cadawgii Somalialnd ee lahaa ha isku baaba'een, aad adhaxdad uga jebiseen, sumcadeenii aad sare u qaadeen. If iyo aakhiro-ba ku badhaaha. Alle bay u sugnaatay Mahadi, idin-kana ha ku iilanina ifka iyo aakhiro-ba " Aamiin"


* N.B Allhayaw Banaan-kaba Bohol Kama Malaysan, Ibixiyaw-i-bixi".
Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...