Gool Jabay

0
Tuesday May 14, 2019 - 14:08:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gool Jabay

    Goolku waa awrka naaxay ee iibka loogu talagalayy - lana filayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goolku waa awrka naaxay ee iibka loogu talagalayy - lana filayo
in lacag badan la siisto! Haddaba, haddii uu goolkujabo; barta uu ku jabay ayaa lagu qalaa oo ma yeesho qiimihii uu lahaa ee la filanayey. Hilibkiisana waxa iibiya haweenka hiliblaha ah ee seyladda gudha! Waana sababta loo yidhaahdo wax kasta oo qiimo dhaca, waa gool jabay!


Haddaba, beri baa waxa jiray wiil aad u qurux badnaa oo isla markaasina qab weynaa. Gabdhaha geyaanka ah ee geyiga joogaana isaga ayay u feedhan jireen - ragga kalana isha ayay ka lalin jireen!

Haddaba, ninkii quruxda iyo qiimaha lahaa ee waliba qabku u dheeraa; ayaa guursadeey gabadh yar oo iska haydhif ah oo aan ilqabatin lahayn!
Dhallinyaradii beesha ayaa la yaabtay halka uu ninkii qabka weynaa ku dambeeyey! Markaasi ayay u bixiyeen gool Jabay.

Hadalkaa ay dadeen
ee la saaray daboolka
Adigu sii dildilaacso
oo dulucdiisa u fiirso!

Cabdullaahi Maxamed Cumar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...