Xujo jappanese ah ayaa soo shaac baxday sannadkii 2013 oo loo bixiyey ( dollar puzzle)

0
Wednesday August 04, 2021 - 10:26:45 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xujo jappanese ah ayaa soo shaac baxday sannadkii 2013 oo loo bixiyey ( dollar puzzle)

    Lacagtii oo uu soo sarifay ayuu soo qaatay,Ninkii tuugga ahaa ayuu 90$

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lacagtii oo uu soo sarifay ayuu soo qaatay,Ninkii tuugga ahaa ayuu 90$


Ardeyda mid kamid ah jaamacadaha Canada ayaa xujadii la hor dhigay, keliya waxaa jawaabta si sax ah u gartay 30% kamid ah ardeyda !

Xujada waxaa loo aqoonsaday inay tahay miisaan⚖lagu ogaan karo qof garaadkiisa.????

Marka hore xujo fudud aýey u muuqataa laakiin si sax ah inaad uga jawaabta daqiiqado iyo saacado ayey kaa qaadan doontaa!

Xujadu waxay tahay:

Nin tuug ah ayaa soo galay dukaan ????buugaagta lagu iibiyo si uu uga iibsado buug???? qiimihiisu 10$ yahay, Ninka tuugga ah lacag ahaan wuxuu u wataa 100$???? oo faalso ah.

Boqolkii doollar ee faalsada ahaa ayuu u dhiibay Ninkii dukaanka, Ninka dukaanka iibinayey ma dareemin inay lacagtu faalso tahay Mana haynin lacag jajab ah oo uu u celiyo, Lacagtii ayuu soo qaaday wuxuu u keenay maqaayad cuntada lagu iibiyo oo deriskiisa aheyd. Ninkii maqaayadda lahaa ayuu 100kii dollar u dhiibay si uu ugu sarrifo.????

Lacagtii oo uu soo sarifay ayuu soo qaatay,Ninkii tuugga ahaa ayuu 90$ u celiyey Lacagtii buugga oo 10$ aheydna uu ka reebtay.????

30 daqiiqo kadibninkii maqaayadda lahaa oo ordaya ????‍♂️ayaa u yimi ninkii lahaa dukaanka buugaagta wuxuu u sheegay in 100ka dollar ee uu u sarifay uu faalso yahay!????

Ninkii dukaanka buugaagta lahaa wuxuu dareemay inuu isagu qaladka lahaa oo lacagta iska hubin waayey, wuxuuna 100 dollar u celiyey ninkii maqaayadda lahaa.

Su'aashu waxay tahay immisa lacag ah ayuu khasaaray ninka dukaanka buugaagta lahaa?

W/Q/ Abdulahi nuur


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...