Guul Wayn Ayaa U Soo Hoyatay Qaranka Somaliland.

0
Wednesday August 04, 2021 - 10:21:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guul Wayn Ayaa U Soo Hoyatay Qaranka Somaliland.

    W/Q: Ahmed M. Adam (Doobbaje)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed M. Adam (Doobbaje)
As Salaamu Calaykum Wa ....

Alxamdu Lilaahi Rabil Caalamiin. Ilaah baa Mahad leh.



Guul Wayn ayaa u soo hoyatay Qaranka Somaliland.


Waxaa marka hore mahadeeda kowaad iska leh Ilaaha wayn ee suurogaliyay.


Marka labaad waxaa hambalyo iyo mahad wayn mudan Madaxda labada Xisbi Mucaarad, xildhibaanada codeeyay iyo dhamaan dadka kaga qayb qalay ficil, fikar ama dareen ba.


Guul wayn ayaa u soo hoyatay Ummadda Somaliland: *Dimuqraadiyadii baa iska goysay Dabarkii iyo Hogaankiiay 30sano ugu xidhnayd Diktaatooriyadda Qarsoon*.


Haayoo, Somaliland waxay ahayd Dimuqraadiyad u dabran Diktaatooriyad Qarsoon, 30kii sano ee ay jirtay ba.


Guushanu maaha Guul Yar. Maaha Guul kooban ee waa Guul Wayn oo baahsan. Maaha Guul dhalatay oo ku dhici doonta waaqti kooban ee waa Guul jiri doonta ilaa intay Somaliland jiridoonto, hadii Eebe idmo.


Maaha Guul ku kooban Xisbiyo ama isbahaysi ama koox, ama qabiilooyin, ee waa Guul Qaran. Waa Guul u dhalatay Qaanka Somaliland wax badanna ka badali doonta Dalka iyo Dadka, oo horseedi-doonta guulo iyo isbadalo badan oo kale.


Dimuqraadiyadda Somaliland waxay raaf ka riixi wayday oo Aqoonsiga, Awoodowga iyo horumar ba ka horjoogay Diktaatooriyada ku qarsoon Dhaqan Siyaasasdeedka Dalka ka jira.


Waa san ayaa ka baryay saaka Dalka Somaliland. Wado toosan ayaa u furan tahay Shacibga Somaliland.


Sida la wada ogyahay, Doorashadii Shirgudoonka Wakiiladu, wax badan bay foolatay. Dhib badan ayay Dadka iyo Dalkuba kala kulmeen "Foolcelinteedii",.Waa taas oo, Alle Mahadiis, way mataanaysay ee ha lagu mahadnaqo.


Allahayow Waa San oo Kale, iyo Wado Toosan

Salaan iyo Qadarinta Mudan


Ahmed M. Adam (Doobbaje)
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...