Doqonimo Yey Kula Sii Durkine Iska Qabo Fidmada

0
Wednesday August 04, 2021 - 10:11:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doqonimo Yey Kula Sii Durkine Iska Qabo Fidmada

    "Maanta oo dunidu mareyso qarnigii 21 aad oo caalamku hal tuulo yahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maanta oo dunidu mareyso qarnigii 21 aad oo caalamku hal tuulo yahay"

Waxaa wax lagu qoslo ah waxaa muqdisho ka socda ee weli dad badani weli u haystaan in cadaalad iyo warkeed ka jirto Somalidu waxay ku maahmaahdaa ninka aan quusan naftiisa ayaa quus ah



Mudane Madaxweynaha Federalka Somaliya Maxamed Farmaajo Afartii Sano iyo Dheeraadkii uu Somaliya ka talinayey wuxuu ku jirey Aargoosi iyo dhisid ciidamo uu ku haysto xukunka waa soo celintii Kacaankii Siyaad Bare sida dad badani aaminsan yihiin waxaa uu geestey ayaad ka garaneysaa sida uu u arbo kursi uu ku xasuuqo kuwii ka tuurey kursigii dhiiga badan daadiyey ee Siyaad Bare.


Maanta oo dunidu mareyso qarnigii 21 aad oo caalamku hal tuulo yahay ayuu qalanayaa dhalinyaradii Somaliyeed,wuxuu si badheedha u xasuuqayaa dhalinyaro waayeel iyo waxgarad ma been baa :


1. Xasuuqii uu ka geystey Baydhabo

2. Dhiibistii Qalbi Dhagax

3. Weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

4. Dhalinyaradii la geeyey Ereteriya ee lagu xasuuqay dagaalkii Tigreyga

5. Maxaa ugu dambeyey Ikraan Tahiil oo raq iyo ruuxba la hayn



Arimahani waxay muujinayaan in qorshaha farmaajo aaney fari ka qodney markaas hadii aan hada layska qaban Somalidu in badan way Ilmeyndoonaan Allah ha inaga badbaadiyo wuxuu soo wado Farmaajo iyo Kooxdiisu .



Hadii dadkii xasuuqa ka geystey Somaliya ee baabiyey Somaliya ee ka tirsanee Xukumadii Siyaad Bare tani ma dhacdeen oo nin walba wuu ka baqan lahaa in lala xisaabtamo iyo sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda adamaha, balse waa taa xadhiga goosatey ee Maalin walba Muqdisho laga ooyayo, imisaa hooyo,aabe, iyo waxgarad Oohintu ka dhamaatey oo xitaa kuwa kursata kufadhisaa dheg jalaq u siineeyn xaaladu waa HABAR BAA ISKA HAW HAWLEE XASUUQA INOO WADA.


Source: hogaanka.org

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...