Bal Maxay Isdoorshaan Dadow Doqonkan Faanaaya

0
Monday August 02, 2021 - 11:39:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Bal Maxay Isdoorshaan Dadow Doqonkan Faanaaya

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,[A.S,C.W.R.W.B]


TU KHAAS AHNA BADA H/W IYO AKHRISTAYAASEEDA.


1-NIN LA DOORTAYO WADA DAFIRAY,DUULKI MAGACABAY,



DAMIIRKIISA IIBSADAY,ISAGOON DAARTII WELI GAADHIN,


DAL MIYAAD KU AMINI,DULIGUU QAADATAY DAMACIISU,


DADNIMIYO XISHOODKI,KA DHIMAY DOORKAN GOLAHENA.


2-DUGAAG QAAR U BADNBA YIMIDO,DOONAYUN LACAGE,


DALKABA INAY XARAASHAN,KA BAQO DAAYACNIMADEEN,


DIBU BAADHA DUULKANI MALAHA WAA LA SOO DIRAYE,


DANI IYO FARMAAJA KU JIRA,LABA GAR DAAQAALAYNTA.


3-DULMARIYO SUCADIYO HABLAHI DIBADA LOO TOORAY,


DULMIBAAD ASXAABTAY GASHEENE,DACAR MA LEEFTEN,


DIB INAAD U SOO NOQONAYSAAN,WAA HABEEN DUMAY,


DULMIGUU KULMIYE NAGU HAYAAN,TIISA DOOR BIDAY.


4-DOORKAAD LAHAYDEEN, IDINKAA DAAYACOO LUMIYAY,


DUUDUUBTA CALAMADA,INTAAN DUMARKU LAALAABIN,


DOQON IYO NIN LIITAAN AQOON,DUURXULKIYO LUUQDA,


DULQAADKII DHAMAAYO DALKII,DAWLADNIMO WAAYE,


5-DULSAARIYO CIQAAB IYO QABIIL,DIIDAY SHACABKEENU,


DAWLAD LOO DACWOODIYO LAHAYN,DIINTA FULINTEED,


DOOLARKA IYO NINKII MEEL FADHIYA,LAGA DANBAYNAAYO,


DERAJADU QABIIL TAHAY HADDANA,DUUDKA LAGA WAABO,


6-DOQON IYO NIN LIITAA AQBAL,DALASI BEELAYSAN,


DALKA WAAN U SIMANHAY,DHAMAAN DAAMIYO XEEBTA,


DARUURAA HARGEYSIYO DUNBULQ,WAA DADKU SIMINE,


DARARWEYNE DOOXII BIYAHA,ARAB MA LOO DIIDAY.


7-DONYAHAY KA KACA MEESHANU,DUMIYAY AWGEEDO,


DAGAAL WAA GASHAANO,HADDANA DIBU EEGTAANE,


WAXAA DOONAYSAAN LAMA YAQAAN,DIRIRA MOOYANE,


BAL MAXAY ISDOORSHAAN SIYAAD,DOQONKA FAANAYA.


ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...