Xuska 25-guuraddii Geeradii Janaraal Caydiid: Dagaalladii USC iyo Taliskii Maxamed Siyaad Barre.

0
Monday August 02, 2021 - 11:36:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xuska 25-guuraddii Geeradii Janaraal Caydiid: Dagaalladii USC iyo Taliskii Maxamed Siyaad Barre.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Janaraal Caydiid wuxuu Muqdisho ku geeriyooday 1-dii Ogos ee sannadkii 1996-kii. Waxaana laga joogaa geeridiisa 25 sannadood. Waxa aynu halkan ku soo bandhigi doonaa mudadii uu dagaalka hubeysan kula jiray taliskii Afweyne.



= 8/1/1989 xubno metalaya ururka USC ama jabhhada ayaa shir ku yeeshay Rooma, waxa aanay ku aasaaseen jabhada USC, halkaasina waxa lagaga dhawaaqay jiritaanka jabhada USC.


= 25/2/1989 ayuu Janaraal Caydiid ka soo qaybgalay shirweynihii golihii dhexe ee ururkii SNM oo ka qabsoomay Balaygudbale.


= 17/6/1990 ayey USC garabkii Itoobiya shirk u yeesheen Mustaxiil waxa ay guddoomiye u doorteen Janaraal Maxamed Faarax Caydiid.


= 8/7/1990 USC waxa ay weerar ku qabsatay degmada Ceel buur, waxa aanay goobtaasi ka dhigteen saldhigii ugu horeeyey


= 22/7/1990 USC waxa ay weerareen Gaaskii ciidankii deganaa Buuloberde, waxa ay halkaasi ku dileen taliyihii gaaskaasi G/Sare Biixi Tuur


= 5/8/1990 USC waxa ay weerar ku qaadeen Hobo iyo Xarardheere, ciidankii dawlada waxa ay ka sifeeyeen deegaankaasi. Halkaasina waxa ay ku qabsadeen hub iyo qalabka is-gaadhsiinta


= 26/8/1990 USC waxa ay sii ballaadhisay duullaankeedii, waxa ayna dagaal ku qabsatay Aadan Yabaal iyo Jalalaqsi


= 16/9/1990 USC waxa ay weerar ku qabsatay degmada Matabaan iyo nawaaxigeeda


= 23/9/1990 USC waxa ay duullaan ku qabsadeen degmada Mahaday, waxa ayna goobtaasi kula wareegeen warshadii hubka iyo rasaasta.


= 7/10/1990 USC waxa ay weerar ku qaaday degmada Guriceel, waxa aanay goobtaasi qudha kaga jareen S/Guuto Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi Caluuq) taliyihii qaybta 21-naad ee ciidankii Maxamed Siyaad


= 28/10/1990 USC waxay weerar ku qabsadeen degmada Dhuusamareeb, waxa aanay halkaasi ka rarteen raashin iyo raas. Raashinkaasi oo lagu xaman jiray QUUD DAAROOD iyo QUUS HAWIYE.


= 16/12/1990 naftood hurayaal ka tirsan USC ayaa weeraray saldhigga ciidankii cirka ee Ballidoogle, waxa aanay weerarkaasi lagu gubay 3 diyaaradood oo ahaa nooca MIG.19. ujeedadda ay USC weerarkaasi u fulisay waxa ay ahayd in aan diyaaradahaasi lagu duqeyn sidii Hargaysa loogu duqeeyey oo kale


= 30/12/1990 USC waxa ay Muqdisho ka bilowday dagaal socday 28 cisho, kaasi oo lagu burburiyey ciidankii xooga lahaa ee Muqdisho ku hayey Maxamed Siyaad


= 26/1/1991 USC waxa u suurtagashay inay Muqdisho ka saaraan keligii taliye Maxamed Siyaad Barre.


= 20/2/1991 USC waxa ay dib u celisay ciidamo daacad u ah Maxamed Siyaad oo jabhadeyn ku soo rogaal celiyey soona gaadhay Af-gooye, waana la jebiyey.


F:G= Halkaasi waxa ka cad inay USC la dagaalmaysay Taliskii Maxamed Siyaad 8 bilood, waana intii u dhexaysay 8/7/1990 illaa 20/2/1991.



Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...