Doorasho Qabsoontay Waxaanse Bartey Casharo!

0
Monday August 02, 2021 - 11:32:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorasho Qabsoontay Waxaanse Bartey Casharo!

    La soco qaybta labaad ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La soco qaybta labaad ..
Dadweynaha Somaliland xilli walba oo ay doorasho u soo baxaan (heerkay walba ama nooca ay tahayba) waxa ay bartaan casharo isku mida inta badan. Casharadan waxa ka mida: Xakuumadaha kala duwanaa ee suurta galiyey qabsoomida doorashooyinka Somaliland xiliyada kala duwan oo sheegta guulo caalami ah. Sharciyada doorasho walba àan ku galno oo marwalba ay dhacdo inayna u wada qaangaadhin dhaqan gal. Xisbiyada qaran ee ku tartamayay doorashooyinka oo marwalba xoojinin barnaamijo cad oo ay ku rabaan kasbashada codka dadweynaha. Taas bedelkeedana u kala baratamaya kasbasho qabaa'ilka. Dadweynaha oo iyaguna isugu abaabulaya inay hayb ahaan ku codeeyaan. Iyo waa arinta ugu muhiimsan eh, musharixiinta doorasho oo ololahooga ay cod ku rabaan marnaba dhaafin xuduudo qabaa'il....


Hadaba marwalba oo doorasho aynu ku galno sidan, waxa ay dadweynuhu u waayaan codkoodu waa ay badan yihiin.
Doorashada goloyaasha Wakiilada iyo Degaanka ee sanadkan ka qabsoon tay Somaliland runtu sidan àan u tilmaamay kama aanay duwanayn. Waxa se ah iyadna xaqiiq àan muran ku jirin, hadana in
wacyiga dadweynaha ee isla bedbedalaya xiliyada kala duwani iyo technoolijada casriga oo fududeysay isgaadhsiintu, inuun ay weeciyeen majaraha haybeed (qolo) oo caqabad ama xaduud àan laga gudbi karin ku ah musharixiinta iyagu u soo istaagay doorasho. Wey dhacday inay musharixiin iyagu cayimani yeeshan xirfado olole oo ay ku jabinayaan xaduudaha qabiil, helaana codka dadweynaha.
Hadii xildhiban Barkhad Batun iyo A.karim A.Mooge, ka ahaayeen calaamad muujinaysaa taasi Gobolka Maroodijeex, anagana halkan Gobolka Awdal, waxaa noogu suntan.

Hon Ahmed Sh.Aden Dahir:
Musharax Gole Degaan ee Degmada Borama.

Intii aynu ku jirnay ololaha doorasha inkastoo musharax walba si ka go'nansho leh u rabay inuu qanciyo dadweynaha oo ah awooda codeynaysa, taageerana ka dalbado, way yarayd hadana in badanaaba la yimaadan barnaamijyo ololeed iyo xirfado u suurta galinaya inay isaga gudbi karaan xaduudahaa haybeed kuna mideeyn karaan dadweynaha Borama ee ay musharaxiinta u yihiin balanqaadyo ama waxqabad degmo.

Ahmed Sh. Aden Dahir ololaha doorasho ee uu la yimid xiligan waxa uu ahaa mid ku qeexaya marwalba inuu musharax ahaan Ahmed, ugu maamuusnaa dhamaan dadweynaha reer Borama adeege cod ku raba wax qabad degmo.

Ahmed Sh.Aden Dahir isagoo aad u darsaya baahiyaha degmada ee dadweynuhu adeegooga marwalba tabayaan iyo horumarka ee uu ku hogaamin degmadiisa, waxa uu ololahiisa doorasho ku tusaaleeyay waxqabadyo bilow ka noqonaya kutalagalkisa qorsho ee uu si hagarla'aana ugu raali gelin karo dadweynaha reer Borama.

Xilli uu dharka aay ku ciidayeen u qaybinayay caruur agoona Xaafada Sh.Ali Jowhar, Borama ayaa waxa aanan marnaba ilaawo karin hadalkan oo uu yidhi Ahmed isagoo dadweyne aad u badan kula hadlaya madashaasi

'Inta aanan boodhadh waaweyn oo sawiradeyda iyo halhaysyo ku xardho lacag galinayo_ waxaa ka door bidey inaan ciidsiiyo agoon danyar ah'

Waxa uu sidoo kale qorsheeyay olole ahaan inuu wado raf ah oo ku taalo Xaafada hayayaabe, Borama cagaf uu ku simayo gasho. Dhiirigalinta sportiga iyo ciyaaraha ee dhalinyarada, Ahmed Sh.Aden, intuu uu isagoo musharax ah ku jirey ololaha doorashada, kaga suntanaa maqaamka u sareeya. Ololaha doorashadu waxa uu ku soo hagaagtey xilli kaliil ah, kulayl badan iyo roob ka oo aanan di'in waxa uu Ahmed Sh.Aden Dahir, isaga oo ku baraarugsan baahiyaha degaamo badan oo xoolo dhaqato iyo beeralayba leh, kana mid ah degmada Borama, u qaybiyey booyado biyo oo ay aad uga mahad cesheen.

Inta aqaano Ahmed Sh. Aden Daahir waxa uu ahaa musharax ayna jirin cid uga aqoon, garasho iyo lexojeclo badanba Borama oo uu noloshiisa dhamaan u soo joogay heerwalba oo ay soo martey magaalo ahaan. Musharaxii dadweynaha ee degmada Borama mudane Ahmed Aw Aden Dahir, kuma soo bixin doorashada golaha degaanka degmada Borama. Dadweynaha Borama ama guud ahaan Somaliland, haseyeeshe, waxa ay weli Ahmed Sh.Aden Dahir gelinayaan rajo badan iyo aaminaad ay ku qabaan inuu yahay hogaamiye ka adeegi kara riyooyin badan rumayntooda....


La soco qaybta labaad ..

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...