Faratoon maxaa ku jaban?..W/Q Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed

0
Monday August 02, 2021 - 00:16:09 in Articles by
  • Visits: 1748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Faratoon maxaa ku jaban?..W/Q Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed

    Faratoon maxaa ku jaban?..W/Q Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faratoon maxaa ku jaban?..W/Q Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed


Dadka aan garanayn waxa keenay in guddoonka golaha wakiillada Soomaalilaand muhimmad sidan u weyn la siiyo aan sidan fudud u fahansiiyo.


Guddoonka golaha wakiilladu sharci ahaan ma laha awood la sheegi karo dunida sharcigu shaqeeyo, waayo go'aan wal oo goluhu gaadhayo waxaa la gu meelmariyaa codayn haldheeri ah oo xubnaha goluhu si xor ah oo siman u ga qaybgalaan. Go'aanka uu xildhibaan waliba u codaynayo ama ka codaynayaa wax ay ku xidhan tahay mabda'a iyo barnaamijka xisbigiisa, danta degaankii la ga soo doortay iyo aragtidiisa shakhsiga ah. Sidaa darteed guddoonka golaha hawshiisa iyo awooddiisa dhabta ahi ma dhaafsiisna furista iyo xidhista aqalka la gu shirayo, maamulidda doodda xildhibaannada, qaybinta hadalka iyo ku dhawaaqidda go'aannada goluhu u codeeyo.

Laakiin innaga Soomaali ahaan bilowgiiba baahidii loo qabay in qabiilooyinku awoodda dalka ka wada muuqdaan baa keentay in guddoonka baarlamaanka loo ekaysiiyo wax muhiim ah, waayo qabiil dhan baa la doonayay in la gu hafro. Kolka Muqdisho la joogo xilkaa waxaa la gu hafraa Digil iyo Mirifle oo la ga ilaalinayo labada kursi ee fulinta, maanta marka Hargeysa la joogana Dhulbahante ayaa la gu beenbeeniyaa.

Haddii ay sidaa tahay, oo aan guddoonku awood lahayn sharci ahaan, maxaa Hargeysa imika la isu gu hoogay ee loo gu fadeexadoobay xulashadiisa? U gu horrayn xaqiiqada la gu wada qancsan yahay ee la gu wada talo galayo ayaa ah in Muuse-Qamuunyo golaha cusub galin doono laaluush iyo sharci darro kasta, is kuna dayi doono xildhibaannada in uu ka dhigo daayeerro meel u gu xaraysan oo uu muus u qubo dabadeed aan awoodin in ay la xisaabtamaan waxa alla waxa uu doonana marsado, sidii golihii hore. Labada sharci darro ee uu taa ku helayaa waa in uu sii wado in uu dhaqaalaha dawladda naftiisa, tolkii iyo xaafadahooda u gaar yeelo, iyo ta labaad oo ah in uu doorashada madaxnimada ee soo socota sida uu doono ka yeelo oo mar baajiyo marna isagu is bokhro. Qof wal oo reer Soomaalilaand ahi taas buu hubaa, waana sababtii dadweynuhu kacdoonka u sameeyay ee isbeddelka iyo mucaaradka aqlabiyadda u gu codeeyay. Waxaa loo harraaday gole wakiillo oo maamulka dalka la xisaabtama oo sharciga ku ilaaliya, awoodaha dalkana isu dheellitira.

Wakiillada Soomaalilaand waa 82 xubnood, midowga mucaaradka ayaana helay 52 codkii dadweynaha, halka muxaafidku helay 30 keliya, waana aqlabiyad weyn oo aan hadal galin karin cidda yeelanaysa gacanta sare ee golaha iyo kursiga guddoonka. Laakiin Muuse-Qamuunyo oo qorshahiisa aynnu soo xusnay ku fuli karo oo keliya in uu golaha ka dhigo xero daayeerro u gu xaraysan yihiin oo marka uu dan ka yeeshaba muus u daadiyo, u gu horrayn wax uu u baahan yahay in uu meesha dhigto guddoon rabbaayad ah. Guddoonka rabbaayadda ah buu u dhiiban doonaa furaha golaha oo maalinta uu doono u furi doona maalinta uu doonana u xidhi doona, isaga ayuuna u dhiiban doonaa muuska uu daayeerrada u daadinayo. Faratoon buuna u arkaa midiidinka rabbaayadda ah ee hawshaa u qaban kara.

Sidaa darteed in qoladii doorashada la ga badiyay golaha inqilaab caynkaas ah ku qabsato, oo Faratoon furayaasha golaha jeebka loo galiyaa, wax ay noqonaysaa foolxumadii iyo waallidii u gu weynayd ee abid la arkay. Haa, isbeddelkii dadweynuhu u codeeyay iyo guud ahaanba doorashadii la qabtay wax ay noqonaysaa khasaare taariikhi ah oo aan weligeed la ga soo waaqsan doonin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...