Ila Qosol, C/llaahi Maxamed Cumar

0
Sunday August 01, 2021 - 10:51:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol, C/llaahi Maxamed Cumar

    " Dee mayee ma waalane waad soo dhaqaaqi weydey!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Dee mayee ma waalane waad soo dhaqaaqi weydey!
Qaybo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto, waxa dhaqan ahaan ku adag; in labada isqabtaa isugu yeedhaan magacyadooda! Halkii ay hebal iyo heblaayo is odhan lahaayeenna, ay waxyaabo kale adeegsadaan. Sida: Carruurtayda hooyadood, tan aannu wada joogno ama dabka ii shidda iyo wixii la mid ah! Haweeneyduna ay tidhaahdo, carruurta aabbahood, odaygayga, saygayga iyo wixii la mid ah.


Haddaba, beri ayaa waxa is raacay; oday Maxamed la yidhaahdo iyo islaantiisii. Iyaga oo wada socda, ayaa waxa ka soo horbaxay; niman ay odayga is garanayeen. Markii ay cabbaar odayaashii is waraysteenna, waxa odaygii Maxamed raagsatey; islaantiisii oo meel ragga ka durugsan ku sugeysey.

Dabadeedna, islaantii oo ka khajilsan; inay odayga magaciisa ugu yeedho oo u arkaysa ceeb, dhinaca kalana ka baqaysa in uu la diriro; ayaa dhawr jeer tidhi, " Ee hooy hooy!" Markii uu soo jeedsan waayeyna, waxay u raacisay, " Ee Maxamadoow."

Odaygii ayaa maqlay, iyada oo magaciisii higgaadinaysa. Dabadeedna, intuu cadho cirkaasi maray, ayuu raggii ku yidhi, " Nabagelyo." Wuxuna u yimid islaantii oo meel halkeer ah ku sugeysey. Waxana uu islaantii ku yidhi, " Ee miyaad waalatay? Maxaa magacayga kuu geeyey?" Islaantiina waxay ugu jawaabtey, " Dee mayee ma waalane waad soo dhaqaaqi weydey!"

Markii ay intaasi is dhaafsadeenna, inta uu hor dhaqaaqay isaga oo caydhaysan; ayuu ku yidhi, " Ee dad waaweyn baynu nahaye, ayaynaan is Maxamedsanin!"

C/llaahi Maxamed Cumar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...