Soomaali Baan Ahay.

0
Sunday August 01, 2021 - 10:41:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali Baan Ahay.

    W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

Maansadan Waxay kamid Tahay Suugaanta Uu curiyey Abdirisaq Ahmed Egal Taas ku cadeynayo inu isirkiisu yahay African Somali ah oo xaruntiisu tahay Geeska Africa, Dhaqanada Dhaadashada mudan ee Somalidu leedahay ayaa ku jira, bilaha soomalida, Godadka dayaxu maro ayaan ka madhnayn, Dalsanka Quruxda badan ee eebe Weyne Somali ku beeray Ayaa isna Maansada ku jira Wuxu yidhi:


-Africaan madoboo

-Arligiisu geeskiyo
-dhaxal iyo abbaartii
-so'da Ushitig ee badan
-mid Abkood kamida oo
-sumad ay wadaagaan
-dhalashana agtoodiyo
-aan sararkood ka dheerayn
-iyo somali baan ahay.


-Asalkaygu nuuxiyo
-Nabigii udgoonaa
-inankiisii xaam buu
-abtirkaygu galayaa
-somali baan ahay.

-mana ahi nin caraboo
-saancadoo la eegee
-walaalnimada islaam
-iimaanka diintaan
-ayuun baan wadaagnaa
-somali baan ahay.

-madaw aan is dhalan rogin
-maariin iftiin badan
-midabkaygu waa asal
-soomaali baan ahay.

-Aag baan ku noolahay
-Eebahay ku beeray
-Xundhurtii Awoowgay
-iyo samawade adoogay
-Abtirkayga dheer iyo
-taariikhdana la olog ah
-Soomali baan ahay.

-Calan baan Agtay yaal
-Dawladnimo Iyo Aayiyo
-dhigaal iyo xeer oday iyo
-Garsoor Aan eexlahayniyo
-Ubax lagu tanaadaan
-sinji Aan u leeyahay
-Soomaali baan Ahay.


-Degalkaygu waa Arli
-Nimco lagu aroorshoo
-dhulku Oogo baaxadliyo
-Guban Aradku weeyaan
-Badda Aan dhamaanayn
-Maraakiib ordaysiyo
-Ganacsi laga Aflixiyo
-Kaluun Lagu Intifaacoo
-Arligeena kaafiya
-Wabiyada Agtaydee
-midho lagu Abqaalee
- Badar lagu abuuree
-bulshaduna ku oon baxdee
-Dhaqaale iyo umuur kale
-iyo laga helay anfaaciga
-Sinji baan U leeyahay
-Soomaali Baan Ahay.


-Sanadkaygu waa Arag
-Afo gaal kol ay tahay
-Gu' Agaali warantahay
-Ama aminta deyrtii
-Bayaxoow intiisii
-Xilli cirirku adagyahay
-jiilaal kol ay tahay
-Afqoys xagaagiyo
-Abaaraha diraacdee
-La Eegaynin dalagee
-Billo anigu leeyahay
-ku arkaayo dhaayaha
-Arligeena illaahay
-idamkiisa ku deeqay
-Sinji baan u leeyahay
-Soomaali baan Ahay.



-Suugaantaydu Almaasiyo
-waa udug sideedoo
-ifka inta aan ku noolahay
-Aduunyaduna joogtahay
-dhaxal aan is dhalan rogin
-Ereygayga gabaygiyo
-geeraarka Awalkii
-maansadayda idilkeed
-mid ilaah daryeeloo
-Anfacda dadkeedoo
-La iloobin weeyee
-Sinji baan u leenahay
-Soomali baan ahay.

-Geesi aan baqanoo
-Aar sidii la moodoo
-Aagiisa difaacoo
-Aarsada markay dirirtiyo
-Dagaaladu ag joogaan
-Gobonimona Eegtiyo
-Soomaali baan ahay.


W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...