Xildhibaan Ujawaabay Khadar Guun (Waxaan Badaw Ka Ahay Suuqa Isdhexfadhiisiga Iyo Mukhaadaraadka)

0
Sunday August 01, 2021 - 10:07:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ujawaabay Khadar Guun (Waxaan Badaw Ka Ahay Suuqa Isdhexfadhiisiga Iyo Mukhaadaraadka)

    "waxaan badaw ka ahay suuqa isdhexfadhiisiga iyo Mukhaadaraadka isku dhafan(Jajabanta iyo Wixii lamida)"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan badaw ka ahay suuqa isdhexfadhiisiga iyo Mukhaadaraadka isku dhafan(Jajabanta iyo Wixii lamida)"

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Khadar Cali Xakiin ayaa ka jawaabay eedo uu todobaadkan ujeediyay Xildhibaan Khadar Guun oo kamid ah xidhibaanada isbahaysiga uga digarogtay Xaga xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye.




Xildhibaan Khadar Cali Xakiin ayaa qoraal uu baahiyay ku sheegay isaga oo ka jawaabaya badawnimo uu Khadar Guun ku caayay yidhi, waxaan badaw ka ahay suuqa isdhexfadhiisiga iyo Mukhaadaraadka isku dhafan(Jajabanta iyo Wixii lamida), qoraalka xildhibaan Khadar Cali ayaa udhignaa Sidan:-


Maanjeclayn inaan u jawaabo Walaalkay Xildhibaan Khadar Guun laakiin qaar kamid ah taagerayaashayda iyo weliba Taageerayaaahiisii hore ee soo saaray ayaa iga Codsaday.


Wuxu igu yidhi Baddow baad tahay; Waa runtii oo waxaan badaw ka ahay suuqa isdhexfadhiisiga iyo Mukhaadaraadka isku dhafan(Jajabanta iyo Wixii lamida).


Wuxu igu yidhi Dameer masaajid soo galay..!!

Anagu Ceerigaabo qofka Habeenkii wax kabadda ayaanu nidhaahnaa Dameertuu Xalay Fuushanaa, yacnii hawlihiisuu watay xaasha taasna badawbaan ka ahay adiga laakiin aqoon kuuma lihi xanta dadkana dhegaysanmaayo.


Magaalada Hargeisa kusoo dhawaw...!!!


Halkaad Joogtaa aad isoo dhawayside sooniga dhexfadhiya taageerayaashaadii hore oo imminka ah aniga Taageryaashayda, adigana isku kaa Qoomamaynaya.....!!!!!


Suaal; Haddii aad dib Kalsooni u waydiisato taagerayaashaadii 100 Cod masoo helay?


Ugu danbayn anigu waan kuu hiiliyey markii aan idhi ninkii dhaarta maray malaa Isagoo xor ah lama kaxayn, laakiin adigii baa dafiray, waxaanan kugu macasalaamaynayaa inaan ku ogaysiiyo inaan kaa Guulaysandoono

Wa bilaahi Tawfiiq"

Loading...
Loading...