Guddiga Doorashooyinka Oo Kulan La Yeeshay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka

0
Sunday August 01, 2021 - 09:01:41 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorashooyinka Oo Kulan La Yeeshay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka

    Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ayaa Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ayaa Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal warbixin




Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal oo uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Xasan Cirro, ayaa la kulmay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.



 

Kulanka ayaa ahaa mid ku qotomay is xogwaraysi iyo talo is waydaarsi ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka ee Doorashada Soomaaliya.


 

Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ayaa Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal warbixin ka siiyay halka ay mareeyso u ololeynta iyo xaqiijinta Qoondada Haweenka iyo waxa ay filan karaan.


 

Guddoomiyaha GuddigaMaxamed Xasan Cirro ayaa ku bogaadiyay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka dadaalkooda ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa Qoondada Haweenka ee labada Aqal ee doorashadoodu bilaabatay.


 

Dhawaan Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ayaa muujiyay walaac ku aadan in dwolad Goboledyada aysan xaqiijin karin qoondada Haweenka, sigaar ah dowlad Goboleedka Jubbaland oo Afartii Xubnood ee Aqalka Sare ee la doortay aysan hal Haweeneey ah kujirin.

Loading...
Loading...