Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Loolanka Shirgudoonka Golaha Wakiilada Iyo Tirada Xildhibaanada Laka Haysto

0
Sunday August 01, 2021 - 08:48:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Loolanka Shirgudoonka Golaha Wakiilada Iyo Tirada Xildhibaanada Laka Haysto

    Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Loolanka Shirgudoonka Golaha Wakiilada Iyo Tirada Xildhibaanada Laka Haysto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Loolanka Shirgudoonka Golaha Wakiilada Iyo Tirada Xildhibaanada Laka Haysto

Hargeysa (HWN) – Waxa Weli Somaliland ka socda loolanka Xisbiga KULMIYE iyo Isbahaysiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ugu jiraan kala jiidashada Xildhibaannadii uga soo baxay Doorashadii Golaha Wakiillada ee dalka ka dhacday 31-ka bishii May ee sannadkan 2021.



Isbahaysiga Mucaaradka iyo Xisbul-xaakimka, ayaa mid walba dhankiisa wuxuu ku dedaalayaa inuu helo aqlabiyadda Xildhibaannada, si loo doorto Xubnaha ay u soo xuleen Shir-guddoonka Golaha cusub ee Wakiillada, waxaana iska soo daba dhacaya Wararka la xidhiidha in Xildhibaan ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ahi uu ku biiray xagga Muxaafidka ah, si uu Maalinta doorashada Shir-guddoonka ugu codeeyo xubnaha uu wato KULMIYE, halka ay taa barbar socdaan Xildhibaano Muxaafid ah oo la aragti noqday Isbahaysiga Mucaaradka, si uu ugu codeeyo xubnaha ay u soo xuleen Shir-guddoonka.


Sidaasi darteed, Jimcihii Shalay Xildhibaan Xisbiga WADDANI uga soo baxay Gobolka Togdheer, ayaa la aragti noqday Xisbul-xaakimka, waxaanu taageeray in Faratoon loo doorto Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.


Xildhibaankan oo Magaciisu yahay Axmed Maxamuud Fanax, ayaa ka soo muuqday Warbaahinta Bulshada, isagoo la sawiran Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Kulmiye ugu sharraxan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Xubno kale oo ka mid ah xisbigaasi.


Xildhibaan Fanax, ayaa noqonaya Xildhibaankii 12-aad ee u soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ah, balse u digo-rogtay isla-markaana la fikir noqday Xisbul-xaakimka Kulmiye, waxaanu tirada Xildhibaannada uu Xisbiga KULMIYE xilligan haysto ka dhigayaa 40, maaddaama oo KULMIYE laftiisa ay ka tageen laba Xildhibaan oo uga soo kala baxay Gobollada Sool iyo Awdal, taasi oo Macnaheedu yahay in weli Isbahaysiga Mucaaradku ay haystaan Aqlabiyadda Golaha Wakiillada.


Xildhibaannada Isbahaysigu u diyaarsadeen Doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ee cusub iyo kuwa Xisbul-xaakimku diyaarsaday ayaa tiro ahaan aad isugu dhaw, waxaana xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa oo xeelado badan adeegsanayaa isku dayayaan inay Xildhibaanno kale oo Mucaarad ah ku qanciyaan inay codkooda siiyaan Faratoon iyo Xubnaha kale ee ay u soo xuleen Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, laakiin waxa jira culays badan, maaddaama oo wakhtigii Madaxweynuhu fadhiisinayey Golaha Wakiillada dhaw tahay, Isbahaysiga Mucaaradkuna ay wadaan dedaal ah inaan lagaga adkaan doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.


Xisbiyada UCID iyo WADDANI, ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada u sharraxay Cabdirisaaq Khaliif Axmed, halka xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID u sharaxeen Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Loading...
Loading...