Gabaabsi Weeye Aduunkuyo, Godobtii Beryahan, Gaadhimayso Ayaame, Waalayska Goosanaya.

0
Saturday July 31, 2021 - 11:07:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabaabsi Weeye Aduunkuyo, Godobtii Beryahan, Gaadhimayso Ayaame, Waalayska Goosanaya.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B],


TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.


1-GOLAHEENII LA DOORTAY,GOONI HAYSKU NOQDAANE,



GOOGO HOOS LAGA QAATO,IDINKOON KU GARDAADIN,


GOONDHAASA KU WADANE,GUJADA MAYDIN KA DEYN,


GAAR AHAAN TALADOODA,GUDOONKOODA U DAAYOO.



2-GUUSHI DOORASHADEENU,WAY ISASOO GURAYSAYO,


GEDMATAYO GARAN WEYNAY,GURACAAD KU WADAAN,


GOOF NINAD KAGA GUURTAY,MID KALAD GARAB SIISAY,


GODOBTA ISKA ILAALIYO,GAAL DILOO SIINA GARTIISA.


3-GEED USHII LAGA GOOYEY,HALKA AAD KA GAMUUDO,


ADIGOO GARANAAYAAD,GARGAAR DOONO TIDHAAYE,


GO’AANKAAD QAADANAYSO,GUNDHIGIISA KA FIIRSO,


GARYAAN LEH CADAALAD.GACALKAAGA LA KAASHO,


4-GEF HADDAAD U BADHEEDHO,GUULE WUU KU ARKAA,


GABAN MAYSID ILEENE,ADIGOON AKHIRO GAADHINBA,


AYAA GUUDKA ADUUNKAN,LAYSKA GOOSANAYAYOO,


GABAABSI WEEYE HADDEERO,GELIN KAMA MAQNATO.


ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...