Cumar Beenaale

0
Saturday July 31, 2021 - 11:04:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Beenaale

    Qore: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed

Cumar C.laahi Badde waa wasiirka caafimaadka ee xukuumada Cago baruur ee Muuse Biixi Cabdi Cabdi (Wax ma yaqaan)e, taasi oo waliba u badnayd ciyaalo Malcaame aanu naaskuu hooyadood ka gudhin, kuwaasi oo sababta ugu waynee uu u xushayna ay ahayd xanuun dhinaca maskaxda ah oo uu qabo Muuse Biix Cabdi (Wax Ma Yaqaan) kaasi oo looga qaateen ka ag dhawi sheegay in habbeenkii lagu dirqiyo hal xabo oo kiniin ah, isla markaasina ka dajiya neerfaha maskaxda waan rumaystay markiiba waayo? Wax I hor timi ninkii dhamaa ee inala lahaa waxaan ahay madaxwayne qaran oo sidii ciyaalka la shir yimi "hooyadaa waxaa ku samee”! Waar ma hooyaa cay leh? waa haddii aaanad ahayn qof maskaxda ka jiranwaar anagaa mucjiso aaragnay!!, kaasi ayaa inoo taliya muxuu kuu talin waxay ahayd in mar hore la geeyo dhakhtarka dhimirkee laakiin ha layaabin ilayn meeshu waa Afrikee waana ka sii Somaliland.



Mid kamida Cago baruurkaas oo uu u cumaamaday wasiirka Caafimaadka kaasi oo la sheegay inuuu ahaa Macallin ka hor intii aanu ku soo biirin golaha wasiirada xukuumada Muuse Biix Cabdi(Wax Ma Yiqaan) waa mid dhago adag kuna darsaday beenaalinimo oo aad is odhanayso waxay isku tab iyo caynad yihiin Cumar Beenaale aanu ku qaadanay curisfasalkii saddexaad ee dugsiga hoose, kaasi oo ciwaankiisu ahaa Cumar Beenaale waa ku yar oo la raaciyay xayn adhi ah, kaasi oo isaga iyo xayntii adhiga ahiba iska daaqayso oo ay bad qabaan labadooduba ayuu af- labaddii yeedhayaa oo odhnayaa "hayaay waa waraabe hayaay waa waraabe" , isla markaasina beeshii deegaanka taalay soo urursadaan warmo,gudmo iyo hub wixii la heli karayayba iyaga oo ku talamaya waraabaha soo weeraray Cumar iyo xayntiisa adhiga ahba in qudha ka jaraan oo laga raysto.Markaa la soo gaadho goobtii ay ku sugnaayeen Cumar beenaale iyo Xaynta adhiga ahayd ayuunbuu af buuxa ku odhanayaa "waraaabe ma jiree waan iska ciyaarayay" ka dib inta ta la habaaro ayay dadkii waawaynaa ee uu soo lugooyay cadho iyaga oo caga jiidaya isaga noqdaan goobtii ay ku sugnayaeen Cumar Beenaale iyo Xayntii Adhiga ahayd qof walbaaba dib ugu nlaabtaahawshii uu hayay iyagaoo kor iyo hoosba u habaaraya sidaasina ayuuna ugu caan noqday Cumar beenaale oo beeshii uu la degenaa oo dhami ugu baratay.


Wasiirka uu u calmaday Caafimaadka iyo kuwan kale ee ka mid noqday gollihiisa Wasiiradda ee cago baruuradda ah ayaa uu iiga waramay nin aanu saaxiib nahay, sababta uu usoo xushay ciyaala xaafahan ee looga waayay hal qof oo wax garad ah marka laga reebo hanbadii Siilaanyo oo uu kala baxay dhowr lixdan jirka ka wayn oo hore loo soo tijaabiyay kana mid ah kuwa lagu khasaaray. Waxaa uu si fudud iigu yidhi ninkani Muuse ma aqoon ayaa kuugu laaban labo qof waxba uma sheegi karo oo malaha karti uu cid wax laga dhaadhicin karo xaga maskaxdan waa tii hore loo sheegay oo hal kiniina ah ayaa habeenkii la huluqsiiya, sidaa darteed ayuu urursaday ciyaala malcaamaha aan hadal ku soo celin karin oo ay la wayn tahay wasiir ayaa lagaa dhigay ee shib dheh mushaharkaagana hoosta ka gal wixii aad awoodana ka furqabso inta ay kuu da'ayso nimcadanee aanay kaa gudhin , markaa waa xeeshaa xeesha uu u adeegsaday inay ciyaala Malcaamahaasi ahaadaan kuwo indhaha hoos uga rogga nin aqoon ku dhaama da’dana ay isku fil yihiin uu iska fogeeyay taasi ayay ahayd xikmadda meesha jirtay ee Ciyaala Malcaamahan ka danbaysay ayuu iisii raaciyay hadalkii horte ninkaas oo aqoon dheeraada u lahaa Muuse Biixi Biixi (Wax ma yaqaan)


Cumar C.laahi Badde waxaan la hadlay dhowr jeer oo uu ka dhaggo adaygay inuu qabto phonekiisa isla markaana waxa uu in badan ka dhaggo adaygay inuu ka soo jawaabo dhanbaalo aan u mariyay WhatsAPP kiisa, inkastoo qaar ka mida markii danbe uu si gole ka fuul ah nacasnimo iyo masuuliyad darro badani ka muuqatay uga soo jawaabay haddana ma noqon wax tar badan oo daweeya wixii aan kala hadlay. Kuwo kale ayaan u maraiyay email dhamaantoodna waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay, waxaanu u qaatay inaan ahay qof qaldan oo aan waxba u sheegi karin waayo? Somaliland ayay caaddo ka tahay in lagu yidhaa sacaadatul wasiir waan aaminsanahay in la karaameeyo madax kasta oo adduunka maanta ka talisa oo xitaa kuwa Somaliland ku jiraan, laakiin dhan kalena waxaan aaminsanahay in wax loo sheegi karo oo la toosin karo kuu doono ha noqdee sabatoo ah Nabi Maxamed NNKH ayaa ay saxaabadiisa la wadaagi jireen taladda iyo aragtida wixii aan ka ahayn waxyi Rabbi ku gooni yeelay nabigga NNKH, markaa halkuu jooggo wasiir yar oo aan xukuumadda uu ka tirsan yahay aan caalamku xitaa u aqoonsanayn inuu yahay dal madax banaan, malaha kuwa Somalailand ka taliya ayaan ilaa hadda oo ay ku dhawaaqiddii la soo noqoshaddii Somaliland oo ay ka soo wareegtay 30 sanno oo aan kala garan dal madax banaaniyo dal aan madax banaanayn.


Wasiirkan oo la igu yidhi macallin ayuu ahaan jiray ka hor magacaabistiisii kaasi oo aan aqoon badan u lahayn sida dawladdi u shaqayso amase loo maamulo oo isaga xataa iska daaye kan qortay ee Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) aanu fikrad ka haysan waxyaabahaa aan kor ku soo xusay oo Wasiirkiisa la wadaaga in aanu ogolayn in la tilmaamo inuu afka taago mooyee siddii neef geel ah oo cabaya maxaad u malayn kuwo uu qortayna?


Haddaba Cumar Beenaalahan u ah Wasiirka caafimaadka marar badan ayaan talooyin ka siiyay siddii lagu heli lahaa dawadda talaalka iyo qaab aynu u maro oo lacag la’aan ah, waxaanan u soo diray xidhiidho badan oo uu dalku ku heli karo talaalkaa bilaa lacagta hase-yeeshee qorshe lama iman kii aan la wadaagayna kuma hawl galin, kaasi oo loo marayay qaabka COVIX oo dalalka aan qaniga ahayn WHO,Bill Gate Foundations iyo kuwo kale ku siinayeen lacag la’aan kama dawadda Talaalka taa kama war qabin Wasiir Cumar Beenaale qorshahaa, Markii aan u soo diray xidhiidho badan oo lala samayn karayayna hadhkiisa ayuu uga dhacay mid uu la yimaadana daa ilaa aakhirkii 65,000 oo Dose ay xukuumadda Muqdisho u soo dirtay, kaasi oo aan WHatsAPP iyo Emailba ku waydiiyay in xukuumadda Muqdisho ku sadaqadaysatay Somaliland iyo in ay meel kale ka timi waase uu diiday inuu ka jawaabo su’aashaa waxaanan rumaysanahay in ay Muqdisho ka timi shixnaddaa talaalka COVID-19 oo loo soo mariyay Somaliland waayo Somaliland cid u aqoonsan inay dawlad madax banana tahay ma jirto ama ha is diidsiiyaan ama ha yeelaan kuwa shacabka ku dul hagaasay ee siyaasiyiin inoo sheegta uuna ka mid yahay Cumar Beenaalahan ee soo booday macallin ilaa wasiir caafimaad oo aanfikrad ka haysan waxay dawladnimadu tahay.


Waxaan jecelahay inaan ku soo afmeero maqaalka in wasiirkan caafimaadka oo aan siiyay magaca ah Cumar Beenaale ayaa sida kuwa kale ee reer Somaliland lagu soo habaaray isla markaasina ka adag uun inay iska dhigaan kuwo qaranka wax ugu filan oo Casiisa oo aan lala hadli karin lana arki karin waxna loo sheegi karin kaaga darane aan waxba garanayn oo aad is odhanyso shicibka reer Somaliland ayaa ku dhaami lahaa oo xilalkooddaa loo dhiibo oo dalku waa uu is badali lahaa waana dhab oo mar ay dhawaan maqaal ka qortay suxufiyadda caanka ah ee BBCda ee Mary Harper, taasi oo maray wax ka tidhi labadan dawladood ee aan midna loo aqoonsanayn dal Madax banaan waa Taiwan iyo Somalilande in qaabkii ay uga hadleen shicibka Somaliland ka hadal wanaagsanaayeen kuwa xukuumadda oo aan sheegayn wax macno leh oo soo siyaadi doona ama ka soo siyaaday xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland ayaa gabar ka mid ahayd Shicibka reer Somaliland ee ay ku xustay Maqaalkeedda Mary Harper ayaa u sheegtay maahmaahddii Soomaaliyeed ee ahayd laba qaawani isma qaado, taasi oo ay ku sheegaysay inaanay laba dawladood oo midna Shiine ka laalaado midna ay Somaliya ka laalaado inaanay waxba isku biirin karin miyaanay gabadhaa reer Somaliland ee shicibka ahi dhaamin xukuumadda Muuse Cabdi (Wax Ma Yaqaan)? oo aanay xataa fahamka Siyaasadda uga faham badnayd iyo gollahiisa wasiiradda ee uu ka mid yahay Cumar Beenaale oo aan talana qaadanayn midna keenayn, haddana ay qarka u saran tahay inay albaabadda loo laabo qaybtii kelyaha lagu sifaynayay ee cisbitaalkii guud ee Hargaysa, iyadoo COVID-19 uu sahayday dad badan oo uu u danbeeyay jilaa Sooraan iyo kuwo kale oo badan horena aan ugu xusay Maqaalkan qaybihiisa hore inaan kula tacaalay sidii aynu u heli lahayn talaalka COVID-19 oo bilaash ah ilaa haddana aan muwaadiniinta la talaalin marka laga reebo 65,000 Dose ee Muqdisho ku sadaqadaysatay qarankeenan aan meela u socon ee Somaliland.


Haddaba ila dhowra halka ay ku soo kala hadhaan Cumar Beenaale iyo qaybta kelyaha ee cisbitaalka guud ee Hargaysa, iyo talaal la’aanta muwaadiniinta reer Somaliland oo u le'eday walina u le’anaya xanuunka COVID-19, kaasi oo aan is leeyahay Eebbe mooyee cid kale oo u maqani ma jirto qarankan looma ooyaanka ah.


Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...