Boon Xirsi

0
Saturday July 31, 2021 - 10:52:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boon Xirsi

    Qore: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed


Xuseen Xirsi Caddib oo loo garan og yahay (Boon Xirsi) waxaan hubaa in uu ahaa nin waddani ah, malaha adigu waxaad u taqaanaa uun inuu ahaa jillaa, ka qosliye, hal-abuur laakiin intaba wax ka badan ayuu ahaa oo ay ugu mudan tahay waddanimo, bal ila dhuux sheekadan soo socota waa Carta iyo abaabulkii kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle shirkii loogu cumaamaday nimanka reer Somalia oo Kenya Ethiopia iyo Jabuuti u ahaayeen Naas irmaan Qaahira iyo meelo kaleba Eebbena waxba kama tarin oo ilaa 1991 kii, markii ay dumiyeen caasimadooddii oo iyada oo laydh iyo biyaba leh uu Siyaad Barre uga baxay ilaa maanta way noqon kari la'yihiin dawlad cagaheeda ku taagan oo Ugandese iyo Kenyan ayaa kala hor jooga.Haddaba xilligaa ku beegnaa 2000 kii ee abaabulkaa Carta waday kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle kaasi oo xitaa fikrada qabashada shir dib loogu heshiinayo uu madaxwayne Cigaal lahaa horena uu ugala tagay Ismaaciil Cumar Geelle oo Cigaal ka codsaday Ismaaciil Cumar Geelle inuu Gacan ka siiyo shir Hargaysa lagu qabto oo dib loogu heshiisiyo taageero kuu joogtee waxaabu xaday fikraddii waa kaligii taliye Geelle isagiibaana ku maxaabsaday ilaa maantadan aan joogno'ee 2021 wali ku maala carab iyo cajab Somali ayaan heshiisiiniyaa.




Haddaba xilligaa ku beegnayd 2000 ayaa socdaal ku soo mareen Alle ha u naxariiste fanaan Bussi, Kinsi Xaaji Aadan iyo dabcan Boon Xirsi magaalada Jabouti socdaalkaas oo ay kaga yimaadeen dhinacaa iyo Dooxa caasimada Qatar oo ay bandhig faneed ku soo bandhigeen, ka dib markii halkaa la marayo oo ay la kulmeen bullaankii Carta ka dibna waxaa la waydiistay in ay ka qayb galaan iyagoo dabcan waxoogay faro guudkood ahna gacanta loo saari doono hase ahaate Boon waa uu ku gacan saydhay oo waxaa uu ku tiraabay inaanu shirkaas iyo abaabulkiisa ka qayb gali doonin. Bal u fiirso qof aan wax badani gacantiisa ku jirin oo iskaga baahan adduun hase- ahaate ka doortay dalkiisa hooyo oo ah Somaliland oo aanu isaga laftiisu wax badan ku qabin waa gobonimo dheeraada oo aan la heli karin waxaanu Boon ku tiraabay weedha ah lacagtaasi waa ay "godobaysan tahay”, taasi oo uu uga jeeday in ay godob u galinayso dadka reer Somaliland oo tiro ahaan lagu qiyaaso 6 Million oo qof kuna kala nool dalka dibadiisa iyo guddoba taasi oo uu aakhirkii helay nabsi bixii ka dib markii uu yimi dalka UK oo ay Jaaliyaddii Reer Somaliland ee halkaa ku dhaqnayd si la yaab leh u sooryaysay oo oo isna ka abaal celiyay isagoo sheegay inay yihiin gob gobi dhashay oo aan la heli karin iyaga oo kale, taasi oo xaddigga lacagta ay ku fooladeeyeen uu u qaadan waayay ayna kala bateen filanwaaggiisii iyo dhabtii hortiisa timi, taasi oo uu ku kaftamay xaddigga lacagta ah bal inuu Dahabshiil kula shuraakoobo iyo inuu company(shirkad) ku aas aasaasto isagoo farxad kala batay, taasi oo aan isleeyahay haddii uu u il duufi lahaa Ismaaciil Cumar Geelle 2000 inaan sidaa iyo si la mida toona aan loo soo dhaweeyeen loona sooryeeyeen taasina ay ku timi waddaniyaddiisii iyo dal jacaylkiisa walowba wax yar uu ku qabay Somaliland oo aan hayntiisu badnayn haddan ugu samray uguna dhabar adaygay waxaanan maqli jiray odhaahda ah "nabsigu ma soo dhaxo”.


Qaar ilmadda Yaxaaska quba ayaa inoo sheega inay ahaayeen SNM oo ay dalka iyo dadka naftoodda u hureen iyadoo qaar badan ay fashilmeen sida Zumaha (madaxwaynihii hore) ee South Africa oo xabsigga loo taxaabay ka dib markii uu lacag iyo hanti dalku leeyahay uu urursaday, taasi oo maxkamaddi ku cadaysay ka dib markii uu ka dhaga adaygay inuu isa soo xidho la soo taxaabay loona gudbiyay jeelka iyadoo waliba sida maxaabiista kale uu xidhan doono dharka liinta u eeg ee ay xidhaan maxaabiista kale ee Jeelka ku xidhan walibana uu karantiin ku ahaan doono meel uu kaliggii ku xidhnaan doono mudo laba wiig oo karatiinka iyo sharcigga ka yaala uu sii mari doono, eesh calaa waxaasaa caddaalad ah wax walba caddaalad laguma sheegee ma u malaynaysaa in caddaaladdaas oo kale Somaliland ka dhici doonto waligaa? jawaabta xagga danbe ayaan ku sheegi haddiibase aynu aragno caddaalad taas oo kale ah u malayn mayo inta aan noolahay inaan arki doono jeel loo taxaabay Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) oo lunsaday hanti badan oo ay ka mid tahay beertii dawladda ee Geed Deeble iyo dhulalkii buurta kala Jeexan iyo dhulkii ina Xasan Dalab iyo qoysaskii tiradda badnaa laga faro maroojiyay ee la inoogu sheegay in laga dhisi doono Madaxtooyo, ku sii dar qandaraasyadda lagu taxay inay xuurtadda ku haystaan xataa xatooyo gacmaha loo galiyay carruurtii ay dhaleen kuwii ku dhintay soo celintii xorriyaddii luntay sida Ina gacma dheere oo inan ka qaba Muusahan boqortooyada ka dhigtay Somaliland iyo taladeeddii, taasi oo maalin la iskaga iman doono ha dhawaato ama ha dheeraato iyadoo Booli Qarankaasi aanu meel gayn doonin Muuse iyo qoyskiisa ku mamay xoolihii ummadda.


Haddaba Boon xirsi iyo kumanaan dal jirayaal ah ayaa jira oo aan ciddina u abaal gudin cidna aanay ogayn xitaaa haddii ay ku bakhtiyayeen dalkoodda hooyo kuwaasi oo aan ka soo jeedin gobol kaliaya balse u dhashay goboladda Somaliland oo dhan, yaase wax waydiiya intaas uun kuma koobna dal jirayaasha aan cidina ogayn ee diran iyaguna is diray oo Boon Xirsi ka mid ahaa Alle ha u naxariisto isaga iyo kuwo kale ee maanta adduunka ka hoyday ee cidina u abaal celin cidna u abaal gudin. waxaase in la xuso u baahan haddii kuwii dawladda ahaa laga jooggo quus inay dadwaynaha reer somaliland u og yihiin cid kasta oo u abaal gashay, waxaana taa caddayn u ah sidaa ay u sooryeeyeen Boon Xirsi oo farxad daraadeed ku hamiyay fara badnaanta sooryaddii dadka reer Somaliland ee uu ku sharfeen inuu kula shuraakoobo Dahabshiil ama uu is sharaxo oo uu noqdo mid siyaasadda ku gala isagoo kaftamayay, laakiin eebbe kuma galiyo siyaasadda ma dhalayska ee Somaliland waxaanad ifka ka hoyatay adiga oo ah muwaadin Somalilander ah oo dalkiisa jecel kana qayb qaatay soo dhicintii mar labaad ee loo galay xorriyaddii la lumiyay ee daleesha la dhigay ee 26 June ee 1960 kii adiga oo ka mid ahaa kuwii gaylamay kuna dagaalamay suugaan iyo aftahanimo Eebbe kuu dhaliyay waxaananu ku leenahay ka mid noqo kuwa "dagay janadda udug durduurtay malab mise waad dul joogtaan” waa halkii Daljir iyo heestii Xasan Xaaji Cabdillaahi "Geneye.


Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...