Mudanayaal Wixii La Idiin Doortay Maahee Tubta Toosan Kusoo Noqda!

0
Saturday July 31, 2021 - 10:46:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudanayaal Wixii La Idiin Doortay Maahee Tubta Toosan Kusoo Noqda!

    W/Q: Abwaan Mubarik Maxamed Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abwaan Mubarik Maxamed Cali

Waqti laga joogo muddo labo bilood ku dhaw taariikhduna ay ahayd 31 May 2021 dalkan somaliland waxa ka qabsoontay doorasho isku sidkan oo ah tii wakiilada iyo deegaanka, sidaynu ognahay waxa u sharaxnaa 798 musharax. Waxay ka kala sharaxnaayeen saddexda xisbi qaran ee kulmiye ucid iyo wadani, waana lagu kala calaf qaaday intii alle u qoray way soo baxday intii aan loo qaddarinina way hadhay. Golayaashii deegaanka hawlahoodii shaqo way bilaabeen ilaa haddana sifiican ayay wax u wadaan.



Golihii wakiilada oo ay usoo baxeen 82 xildhibaan in kasta oo aanu wali shaqo gelin waxaad moodaa jawigii kala jiidashada kuraasta shirgudoonka inuu u socdo qaab aan qurux badnayn.

Waxaa socota xildhibaanbaa kulmiye ka fakaday oo isbahaysiga ku biiray iyo Xildhibaanbaa is bahaysiga ka siibtay oo kulmiye is ka dhiibay! Mudanayaal wixii la idiin doortay maahee tubta toosan kusoo noqda.


Bulshadu doorashadiinii saacado badan ayay bacadka idiin taagnaayeen, gaajo iyo harraadba way idiinku adkaysteen rajo ayay idinka qabaan baahiyahooda aasaasiga ah in wax laga qabto ayay idinka sugayaan hankooda ha jabinina yididiiladoodiina ha burinina dib isugu noqda ciddii aad dooranaysaan miidaanka goorta la tago kaa u ragtaan inuu idin hogaamin karo idinkoo aan Geeddi iyo Warfaa toona u eegin gacanta u taaga, hawlihii shaqo ee umaddu idiin igmatayna guda gala.


W/Q: Abwaan Mubarik Maxamed Cali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...