Gorfaynta Buugga Jacayl Aan Dhammaad Lahayn.

0
Saturday July 31, 2021 - 10:34:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gorfaynta Buugga Jacayl Aan Dhammaad Lahayn.

    W/Q: Dowlad Yuusuf Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dowlad Yuusuf Maxamed

Magaca Buugga: Jacayl aan dhammaad lahayn

Qore: Cumar Maxammed

Sannadka: 2021

Bogagga: 135 Bog

Qaybo: 9' Qayood

W/Q: Dowlad Yuusuf Maxamed.



UJEEDDADA LOO QORAY BUUGGAN.

Wuxuu yidhi qoraaga buuggu, "Dhallinyaro fara badan oo aan saaxiibbo nahay oo rabana in ay guursadaan, haddana ka baqaaya guurka, sababta oo ah waxay dhibaato ka haysataa sidii ay u xulan lahaayeen lammaanaha dhabta ah ee ku habboon in ay nolosha la wadaagaan. Sidoo kale markii aan lasoo kulmay wiillal fara badan oo aan saaxiibo nahay iyo gabdho aan is naqaano oo aan qaarkood goob joog usoo ahaa guurkooda, kuwaas oo aan gadaal ka maqlay/ mar dambe aan ogaaday in ay kala tageen oo calafkoodu muddo gaaban kusoo dhammaaday.


Marka ay arrintu sidaa tahay, waxaan is tusay in ay jirto baahi bulsheed oo loo baahanyahay in la qoro Buug wacyi galin ah, kaas oo qof kasta oo raba in uu guursado ku jihaynaaya waddada ugu fudud ee uu ku dooran lahaa lammaanaha saxda ah ee ku habboon. Lammaanaha is guursadayna sidii noloshu ay ugu noqon lahayd mid ku dhisan jacayl, ixtiraam, kalsooni, ammano, wadajir, tixgalin, tanaasul iyo kaalmayn.


Sidoo kale waxa aad iyo aad iisii dhiiri geliyay xadiiskii Nabiga S.C.W ee ahaa "Allaah wuu caawinayaa addoonka inta uu yahay mid garab taagan walaalkiis”. Ma jiro adduunkan wax aan ka jecelahay in aan arko qoysas Soomaaliyeed oo uu Buuggaygani u hor seeday; jacayl iyo horumar joogto ah.


Waxaan Alle S.W.T ka rajaynayaa in uu Buuggan ka yeelo hagaha rasmiga ah ee guur doonka iyo in uu ka dhigo Buug ay lammaanaha is guursaday ku kaalmaystaan, sidii ay ugu wada noolaan lahaayeen nolol tan ugu degganaanshaha badan kuna dheehantahay isku kalsooni qab, farxad iyo jacayl wadaag ah.


Buuggani waxa uu ka koobanyahay 9 qaybood oo kala ah:


QAYBTA 1 AAD: Dareenka qalbigayga:

" Waxa ugu wanaagsan uguna quruxda badan adduunka lama arki karo lamana taaban karo, waxa laga dareemaa qalbiga.” ~Helen Keller~


Waxa uu qoraagu qaybtan kaga hadlayaa, Dareenka qalbiga wax jeclaada iyo ahmiyadda ay leedahay doorashadda waxa qalbiga u wanaagsan. Jacaylku waa dareenka ugu qiimaha iyo quruxda badan ee noolahu garan karo, waa dareen nadiif ah, macaan badan, nolosheena qiimo u yeela oo na dareensiiya raaxada nolosha. Jacaylku waa erey ka kooban qormo ahaan lix xaraf, laakiin xambaarsan macaanka nolosha. Dhinac kale haddii aad ka eegto jacaylku waa dareen kuu soo jiidaaya qof kale qalbigiisa, fallaadhiisuna wadnaha si lama filaan ah u gelaysa; iyadoo aan wax oggolaansho ah wadan.


QAYBTA 2 AAD: Yaa igu habboon?

Qaybtan qoraagu waxa uu ku iftiininayaa, qofka adiga kugu habboon. " Qofka adiga kugu habboon laguma garto oo kaliya hadalkiisa iyo muuqaalkiisa, balse wuxuu leeyahay astaamo kala duwan oo ka soocaaya dadka dunnida ku nool oo dhan". Astaamaha qofka noloshaada wanaag u hor seedi kara waxa ka mid ah:


• Qof qaadi kara mas’uuliyadda naftaada.

• Ka dareemaysid kalsooni iyo daacadnimo.

• Ixtiraama shaqsiyadaada.

• Qof kaa qoslin kara/ farxad ku siin kara.

• Jacaylkiisa aad ficilkiisa ka dareemaysid.

• Dadka hortooda kugu xushmeeya.

• Wax kaa waydiiya xaaladahaaga.

• Fekerkiisu uu cadyahay.

• Dareemahaaga fahmi kara.


QAYBTA 3 AAD: Maxaan ku doortay?

"Dadka sidaay fekradahooda iyo xiisahooda u kala duwayihiin, ayay xulashadooduna u kala duwantahay." Guurso qof baahidaada dabooli kara, ku soo jiidan kara isla markaana ku dareensiinaaya qiimahaaga. Qoraagu qaybtan waxa uu innoogusoo gudbiyay 10 kan sifo oo aad ku dooran karto lammaanahaaga, si aad u hesho qof baahidaadda ruuxeed dabooli kara, kuna siinkara nolosha aad ku hamminayso.


QAYBTA 4 AAD: Xilliga Shukaansiga:


"Aan wada hadalno, micneheedu waa aan wada heshiino”

Qoraagu waxa uu qaybtan inoogu tilmaamay arrimo muhiim u ah inoona sahlaaya inaan wax badan ka ogaano qofka aan rabno. Shukaansiga ama Haasaawaha, waa halka aad ka go’aamin lahayd qofka aad raalli uga noqonayso in aad nolosha la wadaagto.


QAYBTA 5 AAD: Jiheeye:

Qaybtan waxa uu qoraagu inoogu sharraxay baadhitaanno badan oo uu ku waraystay dad xilligii haasaawaha kala kulmay khiyaamo iyo hagardaamooyin, iyaga oo ogaaday in aanu qofkani jacaylkiisa daacad u ahayn iyo kuwa samaystay reerro oo hadana reerrahoodii ka dumeen isla markaasna ka dhaxlay khibrad.


1. Sida aad ku aami lahayd jacaylka iyo qofka aad nolosha la wadaagayso, in uu yahay qof adiga kuu qalma.


2. Astaamaha lagu garto qofka ka beensheegaaya jacaylkaaga diyaarna aan u ahayn inaad nolol wada qaybsataan.


QAYBTA 6 AAD: Lammaaneyaal isku faraxsan:

"Waajibku wuxuu inaga dhigaa in aan waxyaabaha si wanaagsan u samayno, laakiin jacaylku wuxuu inaga dhigaa inaan waxyaabaha si qurux badan u samayno” ~Zig Ziglar~


Qoraagu waxa uu qaybtan si farshaxanimo leh innoogu sharraxayaa farxada lammaanaha iyo waxyaabaha adkeeya xidhiidhka lammaanaha; waxyaabaha adkeeya xidhiidhka lammaanahana ee qoraagu inoo tilmaamay waxaa ka mid ah:


• In aad in badan dhegaysato hadalka ama sheekadda lammaanahaaga.

• In aad u wada sheekaysataan hab dabacsan iyo jawi deggan.

• In aad aqbashid fekerka ama talad laguusoo jeediyo.

• In aad ilaalisid ceebaha iyo sirta gaarka ah.

• In aad dareenka qofka kale dareemaayo aad wada qaybsataan[.....]


QAYBTA 7 AAD: U gaar ah Ragga:


"Qofka idiinku wanaagsan waa qofka reerkiisa u wanaagsan” Xadiis saxiis ah.


Qoraagu waxa uu qaybtan inagula wadaagayaa waxyaabaha ay jecelyihiin dumarku in ay ka helaan lammaankooda, waxyaabaha aanay jeclayn in uu saygoodu sameeyo iyo waliba habka ugu wanaagsan ee ay jecelyihiin dumarku in loola dhaqmo.


QAYBTA 8 AAD: U gaar ah dumarka:????? Qaybtan maan akhriyin, maadaama uu qoraagu u gaar yeelay haweenka.


QAYBTA 9 AAD: Maxaan isku dagaalnaa?


"Mugdi kaama saari karo mugdi kale, iftiin oo kaliya ayaa kaa saari kara mugdiga. Nacayb kaama saari karo nacayb, jacayl oo kaliya ayaa kaa saari kara nacayb.” ~ Martin Luther King, jr~


Qaybtan sagaalaad waxa uu qoraagu innoogu sheegayaa waxyaabaha keena khilaafka ka dhex dhasha lammaanaha iyo waxyaabaha keena in khilaafkaasi uu sababo burbur qoys. Isla qaybtan waxa kale oo aad ku arkaysaa markaad akhriskiisa ku dhex jirto, sida loo xaliyo khilaafka loona tago miiska wada hadalka. Khilaafku marka uu yimaado xalka koowaad ee lagu dhaqaaqayaa waa in marka lammaanuhu deggaan ee cabaar uu kasoo wareego ay tagaan miiska wada hadalka; halkaasna lagusoo af meero wixii lakala tirsanaayo.


Ugu dambayntii; Buuggani waa mid aad iyo aad cajiib u ah, waxaana dhammaantii dhigganahan lagusoo koobay arrimihii looga baahnaa guurka oo dhan. Waanna Buug wax wayn u tari doona dhallinyaro badan oo ka baqaaya guurka wakhti xaadirkan, waxaana uu ku hagi doonaa dariiqa saxda ah ee nolol wadaagga ah; Insha Allah.


Allaha Mahad Leh.

Email:[email protected]

Tell: 63 4442411 - 63 4417917

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...