Xildhibaa Kucaddeeye Oo Farriin U diray Biixi, Faysal iyo Cirro

0
Saturday July 31, 2021 - 09:28:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaa Kucaddeeye Oo Farriin U diray Biixi, Faysal iyo Cirro

    "Haddaba waxaan jecleystay in aan talo iyo waanaba u jeediyo masuuliyiinta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddaba waxaan jecleystay in aan talo iyo waanaba u jeediyo masuuliyiinta"

"Madaxweyne iyo Guddoomiyeyaal ha ku bixinnina aduun loolanka aad ugu jirtaan hanashada shirguddoonka Golaha Wakiilada si aydaan u noqon kuwa Ilaahay nacdalay” Xildhibaan Sheekh Ku-caddeeye



Waxa qoray Xildhibaan Sh. Axmed Dayib Aaden Kucadeeye


KU: MADAXEYNHA JSL IYO LABADA GUDDOOMIYE XISBI MUCAARAD.


KU: XILDHIBAANADA GOLAHA WAKIILADA EE CUSUB.


kU: WASIIRADA, GANACSATADA IYO MADAXDA DHAQANKA IYO DHAMMAAN MASUULIYIINTA QARANKA.


KU: BULSHADA SOMALILAND SI GUUD REER AWDALNA SI GAAR AH.


UJEEDO: TALO IYO WAANO


Sida aan wada ogsoonahay waxa ay qabsoontay doorashadii isku sidkanayd ee Galaha Wakiilada iyo Galayaasha Deegaanku May 31, 2021, Caawana waa 31 Juley, waxa laga joogaa laba bilood oo dhammeystiran, dhanka kale intaaba waxa socday loolanka loogu jiro hanashada Shir-gudoonka Golaha cusub ee Wakiilada oo u dhaxeeya Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaridka iyo Xildhibaano ka soo baxay Kulmiye oo dhan ah iyo Xisbiga talada haya iyo Xildhibaano ka soo baxay Xisbiyada Mucaaridka oo dhan ah, loolankaas oo maraya gabagabo iyo meel xasaasi ah wxaanan rajaynayaa in uu ku dhammaan doono is-hambalyeyn.


Haddaba waxaan jecleystay in aan talo iyo waanaba u jeediyo masuuliyiinta kala duwan ee sare ku xusan iyo bulshada reer Somaliland.


ugu horayn waxaan Madaxweynaha , labada guddoomiye Xisbi Mucaarad, Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee cusub, Golaha Wasiirada iyo Madaxda dhaqanka iyo dhammaan masuuliyiinta Qaranka xasuusinayaa Xadiiska Rasuulka (صلى الله عليه وسلم) ee ay soo saareen Abuu Da’ud iyo Tirmidi :


عن عبد الله بن عمرو بن العاص رضي الله عنهما قال: "لعن رسول الله صلى الله عليه وسلم الراشي والمرتشي” وفي لفظ: ” والرائش بينهما” .


Xadiiskani waxa Rasuulku inoogu cadeeyey saddex qof oo Ilaahay nacdalay Naxariistiisana ka qadiyey waxaanay kala yihiin:


1- Qofka bixiya laaluushka

2- Qofka qaata Laaluushka

3- Qofka isku keena ee ka dhex-sheqeeya Laaluush bixiyaha iyo qaataha.

Sidaa daraadeed waxaan leeyahay:


1) Madaxweyne iyo Guddoomiyeyaal ha ku bixinnina aduun loolanka aad ugu jirtaan hanashada shirguddoonka Golaha Wakiilada si aydaan u noqon kuwa Ilaahay nacdalay, Naxariistiisana ka fogeeyey ee Laaluushka bixiya.


2) Xildhibaan ilaali mustabalkaaga siyaasadeed iyo karaamadaada, ta Golaha Wakiilada iyo ta bulshadii inna soo dooratey. Kana fogaw in aad noqoto Laaluush qaataha Ilaahay Nacdaley, Naxariistiisana ka fogeeyey ee xambaartay dambiga weyn ee laaluush qaadashada ah . Ogawba kaad laaluushka ka qaadatey iyo bulshada midna barri karaamo ku yeelan maysid agtooda, Soomaaliduna waxay tidhaahdaa: "Nin kugu muraad qumistay waxaad tahayna baray kaana muraadsay”.


3) Wasiir, Ganacsade , Caaqil iyo Suldaan ka feejignaw in aad noqoto kuwa Ilaahay nacdaley, Naxariistiisana ka fogeeyey ee ka dhex shaqeeya Laaluush bixiyaha iyo qaataha.


FG: Xildhibaanka ama qofka Xukuumadda Laaluush ka qaata waxa dambiga laaluushka u dheer qaadashada xoolo ummadeed oo ay ku tacaluqdo xuquuqdii: Agoonta, danyarta aan dabka shidan, Naafada, Caruurta nafaqa la’aanta u geeriyoonaysa, Askariga furinta jooga, ka xanuunsanaya ee dhimirka ah, ama sariirta yaal ee laga yaabo in uu daawo la’aan u geeriyoonayo iyo dhammaan qaybaha Bulshada JSL ee kala duwan.


Lasoco qaybta 2aad

Xildhibaan Sh. Axmed Dayib Aaden Kucadeeye

Loading...
Loading...