Afhayeenka KULMIYE Oo Ka Hadlay Tirada Xildhibaanada Ay Haystaan

0
Saturday July 31, 2021 - 09:10:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka KULMIYE Oo Ka Hadlay Tirada Xildhibaanada Ay Haystaan

    "Waxaana aqlabiyadii imika haysta oo ay xildhibaanadu dooranayaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaana aqlabiyadii imika haysta oo ay xildhibaanadu dooranayaan"

Hargaysa (HWN) Af-hayeenka xisbiga Kulmiye C/naasir Buuni, ayaa ku dhaliilay is-baahaysiga mucaaradka ah ee xisbiyadda mucaaradka Somaliland in ay hanan kari waayeen xildhibaanadii xisbiyadoodda ka soo baxay.



Waxaanu sheegay in kadib markii ay is-baahaysi samaysteen labadda xisbi mucaarad in iyaguna xisbi ahaan ay ka hawl galeen sidii ay ugu guulaysan lahaayeen shir-guddoonka cusub ee golaha Wakiiladda Somaliland.


Buuni ayaa ka difaacay xod-xodashadda xisbiga Kulmiye ee xildhibaanadda ka soo baxay labadda xisbi mcuaarad oo qaarkood ay xisbiga Kulmiye is-baahaysi la samaysteen.


Halka qaarkoodna ay cadeeyeen in ay shir-guddoonka Kulmiye soo xulay u codayn doonaan marka la gaadho doorashadda shir-guddoonka.


C/naasir Buuni, waxa uu sidan ka sheegay dooddii laanta Af-Soomaaliga ee BBC ee maanta oo ku saabsanayd loolanka loogu jirro hanashadda shir-guddoonka golaha Wakiiladda cusub ee Somaliland.


Waxaana doodaasi ka qayb galay af-hayeenka xisbiga Kulmiye, iyo af-hayeenka xisbiga UCID Yuusuf Kayse, iyo garyaqaan Guuleed Axmed Dalfac, oo ah garyaqaan madax banaan.


Af-hayeenka xisbiga Kulmiye oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, "Shacbigu mudaneyaal ayay soo doorteen, mudaneyaashuna xaq qaanuuni ah ayay u leeyihiin in ay shir guddoon doortaan. Mudaneyaashii ay dadku doorteen arrintu way soo dhaaftay, oo imika waxaa la isku hayaa shir-guddoonka, oo ay xildhibaanadu irraadadoodda ku dooranayaan.


Waxaana aqlabiyadii imika haysta oo ay xildhibaanadu dooranayaan, oo cad, oo iyagoo tirrada ugu badan ku midoobay xisbiga Kulmiye… way jirtaa in labadda xisbi mucaarad markii ay midoobeen in ay aqlabiyad heleen.


Laakiin, saddexda xisbi qaran midna tirro ku filan ma helin. Weliba tiradda ugu yar xisbiga UCID baa helay. Markaa mudaneyaasha soo baxay shir-guddoonka ay dooranayaan iyagaa xaq qaanuuni ah u leh”


Ilaa hada waxa uu Muuse Biixi ka meeraysanayaa in uu fadhiisiyo Golaha Wakiilada, taasi oo cadaynaysa in xisbiga Kulmiye aan weli hayn aqlabiyada Xildhibaanada.

Loading...
Loading...