Macallin Dugsiga Hoose Dhexe Oo Noqday Madaxweyne

0
Saturday July 31, 2021 - 08:59:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallin Dugsiga Hoose Dhexe Oo Noqday Madaxweyne

    "Ma ogolaan doonno in qof sabool ah laga helo dalkan qaniga ah!"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma ogolaan doonno in qof sabool ah laga helo dalkan qaniga ah!"

Kaddib hannaan doorasho oo dheer oo xiisad wata, ayaa Pedro Castillo waxa uu ku guulaystay madaxweynaha Peru. Guushiisa ayaa waxa ay gilgishay dadka sarsare ee ku jira siyaasadda iyo ganacsatadaba, dalkaas oo si wayn u kala qeybsan lana dagay cudurka Covid-19.


Pedro Castillo oo ku dhashay tuulo yar oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan Peru, ayaa waxa uu ku soo barbaaray inuu waalidiintii aanan waxba baran ka caawiyo shaqada beerta. Markii uu ahaa arday da'yarna waxaa uu in ka badan laba saacadood u lugayn jiray iskuulka.



Ugu dambayntii waxa uu noqday macallin iskuul, shaqadaas oo uu hayay muddo 25 sanadood ah, iyo weliba hogaamiye urur ay dad ku midaysan yihiin. Ninkan oo awoodda la wareeggay isagoon wax khibrad ah u lahayn xafiiska, ayaa 2021 waxaa loo doortay madaxweynaha Peru, iyadoo ay gadaal ka riixayeen codbixiyayaasha tuuladii uu ku soo koray.


"Ma ogolaan doonno in qof sabool ah laga helo dalkan qaniga ah!" ayaa aheyd farriintiisa joogtada ee uu ololahiisa ku soo gudbin jiray, markaas oo uu tilmaamayay sida ay u kufaa kacaan dadka dhibaataysan ee Peru. "Waxaan garanayaa sida loogu dhidido markii iskuulka loo lugaynayo," ayuu mar yiri.


Isagoo isku tilmaamay inuu yahay qof dadka ka mid ah, ayaa waxaa adkayd in Mr Castillo la arko isagoon xirnayn dharka cadcad ee hidaha iyo dhaqanka, koofida laga xirto gobolkiisa Cajamarca, iyo qalin-qoriga wax lagu xardho oo wayn, kuwaas oo astaan u ahaa xisbigiisa Marxist Free Peru arrintaas oo sidoo kale matalaysa waxbarashadiisa.


Waxa uu ku doodayaa in dalkaasi aanan lagu maarayn jirin danaha inta badan dadka dalka, waxa uuna ku baaqay in "isbadel wayn" la sameeyo si wax loogaga qabto saboolnimada iyo sinnaan la'aanta, oo ay ku jiraan codsi muran badan dhaliyay oo uu ku doonayo in la qoro dastuur cusub.


Dadka ka soo horjeeda ayaa waxa ay isku dayeen inay ku asteeyaan inuu yahay xagjir dhanka bidixe ah oo xiriir la leh kooxaha shuuciyiinta ee duurka ku jirta, arrintaas oo uu gaashaanka u daruuray.


Hadalkiisa waa uu xakameeyaa, hasayeeshee dadka naqdiya waxa ay ka walaacsan yihiin in qaar ka mid ah qorshayaashiisa ay suuragal tahay inay wax u dhimaan mid kamid ah dalalka ugu deggan Laatiin Ameerika.


Madaxweyne Castillo oo cannuga saddexaad ee qoys ka kooban sagaal carruur ah, ayaa waxa uu 19-kii Oktoobar 1969 ku dhashay Puña, waxa uuna macallin dugsi hoose dhexe ahaa intii u dhaxaysay 1995 illaa 2020.


Waxa uu siyaasadda galay 2002, markaas oo uu u ku guuldarraystay maayirnimo uu u tartamay, waxa uuse markii ugu horraysay ku soo shaacbaxay 2017 markaas oo ay macallimiintu shaqa joojin sameeyeen iyagoo ka cabanaya mushaarka iyo qiimaynta howsha ay qabtaanba.


BBC

Loading...
Loading...