Gaadhi Siday Ciyaartoy Oo Ku Qarxay Kismaayo

0
Friday July 30, 2021 - 19:03:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadhi Siday Ciyaartoy Oo Ku Qarxay Kismaayo

    Gaadhi Siday Ciyaartoy Oo Ku Qarxay Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaadhi Siday Ciyaartoy Oo Ku Qarxay Kismaayo

BBC: Magaalada Kismaayo waxaa goordhaw ku qaraxay baas ay la socdeen koox ciyartoy ah.



Wararka waxay sheegayaan in baska ay la socdeen ciyaartoyda kooxda lagu magacaabo JCCI ee Kismaayo ka dhisan, sida uu qoray Radio Muqdisho.


Wararka qaar waxay sheegayaan in gaariga uu gubtay ayna jiraan dhaawacyo iyo dhimasho, inkasta oo weli aan la xaqiijin inta uu la egyahay.


Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Dowladda Soomaaliya, SONNA, waxaa qaraxa ku dhimatay afar qof oo ka mid ahaa ciyaartoyda.


Sida uu qoray bogga Radio Muqdisho, gaariga siday ciyaartoyda wuxuu ku sii jeeday garoonka kubadda cagta, "halkaas oo Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland uu ka daah furi lahaa galabta tartan u dhexeeya kooxaha magaalada oo ku saabsanaa isdhexgalka bulshada."


Dadkii la socday gaariga waxay ka tirsan yihiin Kooxda Kubadda Cagta Rugta Ganacsiga Jubaland.


Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida dhallinyarada ku dhimatay qarixii maanta ka dhacay Kismaayo.


BBC

Loading...
Loading...