Kenya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Ciidankeeda Somaliya Jooga

0
Friday July 30, 2021 - 11:05:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Ciidankeeda Somaliya Jooga

    Kenya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Ciidankeeda Somaliya Jooga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Ciidankeeda Somaliya Jooga

Muqdisho (HWN) Dowladda dalka Kenya ayaa war cusub ka soo saartay ciidamadeeda ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ee jooga ee Soomaaliya, maadaama la gaadhay xilligii bixitaankooda ee ay horay u shaacisay Qaramada Midoobay.



Taliyaha guud ee ciidamada difaaca wadanka Kenya Gen. Robert Kibochi oo wareysi siiyey Telefishinka dalkaasi ee KBC ayaa shaaca ka qaaday in haatan ciidamadooda aysan ka bixi doonin gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay sii caawinayaan Ciidamada Xoogga dalka. "Waxaan guulo ku gaadhnay howlgalkeena Soomaaliya kama bixi karno in xaalladu deggan tahay maahane hadii kale guulihii aan gaarnay waa ay khasaarayaan” ayuu yidhi taliyuhu.


Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo Ururka Midowga Yurub (EU) iyo la-howl-galayaashooda caalamiga ah ay in ka badan kala badh dhimeen dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga.

Loading...
Loading...