Isbahaysiga Mucaaradka Oo Sheegay Inay Haystaan Aqlabiyada Xildhibaanada Iyo Rajada Uu Faratoon Qabo

0
Thursday July 29, 2021 - 19:49:50 in News by
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Isbahaysiga Mucaaradka Oo Sheegay Inay Haystaan Aqlabiyada Xildhibaanada Iyo Rajada Uu Faratoon Qabo

    Isbahaysiga Mucaaradka Oo Sheegay Inay Haystaan Aqlabiyada Xildhibaanada Iyo Rajada Uu Faratoon Qabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbahaysiga Mucaaradka Oo Sheegay Inay Haystaan Aqlabiyada Xildhibaanada Iyo Rajada Uu Faratoon Qabo

Hargeysa(HWN):-Waxa weli Meel Xaasaasi ah maraya loolanka Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo dhinac ah iyo Xisbiga KULMIYE oo dhinaca kale ahi ugu jiraan hanada Shir-guddoonka Golaha cusub ee Wakiillada Somaliland.




Xubnaha labada dhinac u soo xuleen Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, ayaa mid walba muujinayaa Rejo ah in guusha doorashada Shir-guddoonku raaci doonto.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Xisbiga KULMIYE u sharraxay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee cusub, ayaa rejo buuxda ka muujiyey inuu ku guulaysto doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Xildhibaan Faratoon oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi "Rejada aan ka qabo inaan ku guulaysto Doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu aad iyo aad bay u weyn tahay, laakiin tartan baa socda, tartankuna meel adag buu marayaa, labada dhinacna waxaad mooddaa inay isku dhaw dhaw yihiin, laakiin rejadayadu aad bay u fiican tahay..”.

Mar wax laga weydiiyey da’diisa iyo in la joogo wakhtigii uu Siyaasadda ka fadhiisan lahaa wuxuu ku jawaabay "ILLAAHAY baan ugu xamdi naqayaa cimriga dheer i siiyey, cimriguna waa wax lagu mahadnaqo, wax laga khajilo ama la iskula yaabo ama qofka lagu dhaliilo maaha, waa wax dheeraad ah waa awood dheeraad ah oo ILLAAHAY ku siiyey, markaas anigu nin cimriga nin diidan ma ihi, dadka intaas ku wareegaya si gaaban bay u fikiriyaan, anigu khibrad badan baan leeyahay waxbaan soo bartay, da’daydaasi waxay ii kordhisay mooye, waxay ii dhintay haba yaraatee ma jirto, Goleyaasha iyo Barlamaanada Adduunka, dad aniga ila da’ ah ama aniga iga da’ weyn baa haya, xittaa Madaxweynayaasha Caalamka, Dawlado dhan bay xukumaan dadka aniga iga da’da weyni, Madaxweyne Joe Biden oo dhawr bilood ka hor la doortay, dalka adduunka ugu quwada weyn ee ugu dhaqaalaha badan, dad ahaana kuwa ugu waaweyn ah ayey dadkiisii doorteen, maxaan u nasanayaa, inta aan awoodayada karayo, ee aan shaqaynayo oo aan qabo inaan ku dhaamo in badan oo aan da’daas gaadhin aqoontaas aan leeyahay waan shaqaynayaa, markaas waa aragti gaaban waan la yaabsan nahay..”.

Mar uu farriin u dirayey Xildhibaanada Golaha Wakiillada wuxuu yidhi "Waxaan ahay ninka ugu habboon maanta ee Golaha wadi kara, aqoon ahaan wadi kara, khibrad ahaan wadi kara, waxani khibrad weeyaan, maaha iskaga soo bood, aqoon ahaan iyo tacliin ahaan bay u baahan tahay, inaad taariikh ahaan adduunka taqaano ayey u baahan tahay, qof wax wadi kara, ayey u baahan tahay, Baarlamaanada Adduunka ayaad la xidhiidhaysaa, Madaxda Adduunka ayaad la xidhiidhaysaa, anigu intaas ayaan soo maray, cidda aan Dublamaasiyadda Adduunka kala shaqaynayo ayaan ogahay ee Barlamaankeenu kala shaqayn karo, markaas wax iska ciyaar ciyaara maaha, markaas waxaan Xildhibaanada u sheegaa in aanay Barlamaankeena cidla fadhiisin, markaas waa inay i doortaan…”.

Sidaasi si la mid ah, Xubnaha Isbahaysiga Mucaaradku u soo xulay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, ayaa sheegaya inay haystaan aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiillada.

Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo isaguna Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Codkooda ula diyaar yihiin illlaa 48 Xildhibaan.

 


Loading...
Loading...